Araweelo News Network

maroodiQaaradda Afrika waxa soo waajahaya dhitaabooyin dhinaca ugaadha ah, gaar ahaan maroodiga oo 25kii sannadood ee u dambeeyey hoos-u-dhac weyn ku yimi, waxana meesha ka baxay ugu yaraan 111,000 (boqol, kow iyo toban kun) oo maroodi.
Sida lagu sheegay warbixin heerka maroodiga lagu caddeeyo uu ay soo saarto hay’adda la yidhaa IUC, waxa cilmi-baadhis laga sameeyey 37 dal oo Afrika ah, waxana ka soo baxday in ugaadhsiga maroodiga iyo ka ganacsiga foolkiisu ay keentay in khatar badan soo wajahday xayawaankan oo qaaraddu caan ku tahay.
“Tiradan dhabta ah ee meesha ka baxday waxa ay sheegaysaa khatarta maroodiga soo wajahday ee keentay inuu intiisii hore ka yaraado, kaasoo ah xayawaanka ugu fiican ee ugu ballaadhan naasnalayda waqtigan.” Sidaa waxa yidhi Agaasigamaha IUCN Mr. Inger Adersen, waxaannu intaas raaciyey, “Waa argagax, laakiin la yaab ma laha in foolka laga goosanayo uu keenay dhibaatadan. Warbixintani waxa ay iftiiminaysaa caddayn cilmi ku dhisan oo ah baahida loo qabo in lala dagaallamo ugaadhsiga maroodiga dadka wada. Sidaa darteed, dedaalladu meesha kama sarayaan in arrimahan sidooda loola tacaalo amma la yareeyo in ay xayawaankan la waayaba.”
Koonfurta qaaradda ayaa ah degaanka 70% maroodiga laga bariga Afrika 20% maroodiga ah ku nool yahay, sidoo kale badhtamaha iyo galbeedka waxa ku nool tirada ugu yar oo 3%.
Bariga Afrika waa halka ugu daran ee 60% hoos-u-dhacu ku yimi maroodiga, gaar ahaan dalalka Tansaaniya, Uganda, Rwanda iyo Kenya. Badhtamaha iyo galbeedka qaaradda waa halka ugu badan ee ka ganacsiga fool maroodiga sharci-darrada ah ka jirto, balse Koonfurta Afrika saamayntu aad bay ugu yar tahay.
Sida warbixintu tibaaxday waxa la qabanayaa kulankii 17aad oo lagaga xaajoonayo arrintan, kana dhici doona magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Guud ahaan waxa lagu qiyaasa maroodiga qaaradda Afrika ku nool afar boqol, shan iyo toban kun (415,000) maroodi, inkastoo ay jiraan meelo badan oo aan xogtooda la hayn.