sdf1Warbixin Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Digreetooyin is daba socday maalmihii u danbeeyay xiliyo habeeno kala duwan kasoo baxayay, xafiiska Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxaxmuud (Siilaanyo), isla markaana xanbaarsanaa xil ka qaadis, isku shaandhayn iyo magcaabis, ayaa sababtay inay shaashada ka baxaan xubno muhiim ah, sida Wasiirkii hore ee Maaliyada Sheekh Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ahaa ragga mayalka u hayay dhawrkii sanadood xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Sidoo kale Digreetooyinkaa oo 28 February iyo 15 March kasoo kala baxay qasriga Madaxtooyada, ayaa lala xidhiidhiyay inay sababeen mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Deeqaha Somaliland ee loo soo gaabiyo SDF (Somaliland Develeopment Fund). Kadib markii masuuliyiinta digreetooyinku taabteen dhamaantood noqdeen inta baddan wasaaradaha iyo Hay’addaha mashruucaa oo maalaayiin ah dollar ah maamula.
Shebekaddaha Araweelonews.com oo loo soo gaabiyo Araweelo News Network (ANN) iyo Araweelonews.net ee loo soo gaabiyo Araweelonews Mobile (ANM), ayaa bilihii u danbeeyay ee dabayaaqadii sanadkii 2014 iyo todobaadyadii horaantii sanadkan 2015, kusoo bandhigay boggagooda Baadhitaano la xidhiidha qaabka loo maamulay Saduuqa Horumarinta Deqaaha ee Somaliland Development Fund ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (SDF), oo ay hormood u yihiin Dalalka Uk iyo Denmark, waxayna shebekadahaasi warbixinaha la xidhiidha baadhitaankaa kusoo bandhigeen in lagu oggaaday inay jiraan waxyaabo baddan oo qaabka loo maamulo mashruucaa ka dhigaya mid mad-madaw iyo shaki ku abuuray bulshada.
Dhaqaalaha sanduuqa horumarinta Somaliland ee ay hormoodka u yihiin Dalalka Britain iyo Denmark, isla markaana ahmiyada lagu siinayo meelaha ay Dawlada Somaliland doonayso in laga horumariyo shanta sanadood ee soo socda $ 60 Million, lacagta sanduuqaa oo $ 12 Million oo ka mid ah loo qoondeeyay sanadkii wax yar oo qadaadiic ah, waxay ka noqonayaan isu geynta lacagta Somaliland lagu caawiyo sanadkii , taas oo u dhiganta (250 Million per year), isla markaana u muuqatay mid calaamad wanaagsan iyo mustaqbalka qaranka u muujinaysay horumar haddii loo maamuli lahaa si macquul ah, iyadoo wasaaradaha iyo Hay’addaha loo qaybiyay dhamaantood u muuqanayeen inay yihiin kuwo Qasriga dhabarkiisa laga maamulo, balse aanay ahayn kuwo lagu saleeyay baahida dhinaca horumarka iyo gobolada midna.
Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Samaale, ayaa sida xoggahaasi sheegayaan ku gacan saydhay, amma ka dhega adaygay inuu sii daayo lacag ka mid ah mashaariicda sanduuqaa oo $ 12 Million ah, taas oo miisaaniyada lagu daray, isla markaana fulinta mashaariicdaa qaab aan sharciga iyo qaanuunka dalka waafaqsanayn loo siiyay dad gaar ah, balse wasiir Samaale ka caga-jiiday inuu bixiyo qaybo ka mid ah lacagtaa oo dad gaar ah lagu naas-nuujinayay, kuwaas oo ahaa dadkii la siiyay qandaraasyada oo dhinaca danbe ee qasriga Madaxtooyada laga maamulo.
Warar kale iyo xoggo, ayaa u sheegay shebekada Araweelo News Network in aanay arrintu ahayn mid dhaliilaha iyo musuq-maasuqa la xidhidiha arrimahaa qayb ka ah, balse waxa keliya ee lalal xidhidhiyay ay tahay dano iyo ujeedooyin siyaasadeed oo laysku fahmi waayay, taas oo sababtay sida ay wararka arrimahaa la xidhiidhaa dheegayaan in iyadoo ay jiraan siyaasado iyo ujeedooyin kale oo laga leeyahay labadii deigreeto ee u danbeeyay ee kasoo baxay qasriga Madaxtooyada ay saamayn ku yeesheen dhamaan wasaaraaha iyo Hay’addaha sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Developmen Fund), waxayna wasaaradaha iyo Hay’addaha maamula mashruucaa ee labada digreeto saamayeen ka mid ah, Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Wasaarada Beeraha, wasaarada waxbarashadda, wasaarada Biyaha, Wasaarada Deegaanka, Wasaarada Qorshaynta, Wasaarada Qoyska, Wakaalada Biyaha oo Maareeye ku Xigeen loo magcaabay, iyadoo wasaaradaha aan wasiirkooda la bedelin is bedel lagu sameeyay Agaasimayaashooda, kuwaas oo qaarkood la eryay, isla markaana wasaaradaha xidhiidhla la leh mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland, ayaa qaarkood digreetada loogu magcaabay Wasiir ku xigeeno, ama wasiir dawlayaal, halka kuwo kalena laga bedelay, ama la eryay sida Wasiiru-dawlihii Xanaanada Xoolaha.
Dhinaca kale waxay arrimahan kusoo beegmeen xili wefdi Somaliland ah oo Nairobi kasoo laabtay mudadii ay ku sugnaayeen halkaa, ay la kulmeen sarakiil iyo Dublamasiyiin ka mid ah Dalalka bixiya sanduuqa horumarinta Somaliland, kuwaas oo sida ay warar arrimahaa la xidhiidha u sheegeen shebekada Araweelo News Network, waxyaabaha wax laga weydiiyay wefdiga wasiirada ay ka mid ahayeen su’aalo laga weydiiyay qaabka loo maamulay mashaariicdaa malaayiinka dollar ah oo Somaliland lagu caawiyay,kuwaas oo wasiirada wasaaradahoodu maamulayaan qaarkood la socday wefdiga, iyadoo wasiirada ay ka mid yihiin Wasiirka Beeraha, Deegaanka, wasiirka Qorshaynta qaranka Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi, waxa uu sheegay inay ku qanceen warbixinta ay ka bixiyeen, balse lama ogga xaqiiqda in waxyaabaha laga weydiiyay arrimahaa ay ku qanceenations).
Si kastaba ha ahaatee digreetooyinka isku shandhaynta, magcaabista iyo xil ka qaadista, ayaa sida ay xogahaasi sheegayaan aan ka madhnayn siyaasado iyo ujeedooyin kale, isla markaana dadka qaar ku macneeyeen hiradan siyaasadeed iyo khilaaf dhinaca awooda ah oo u dhexeeyay labada kooxood ee awooda iyo talada xukuumadda ee qasriga Madaxtooyada gacanta ku hayay sanadihii u danbeeyay, kuwaas oo kala ahaa golaha aan sharciga ahayn ee guurtida awooda baddan iyo kooxda wadaadada ee safka hore kaga jiray siyaasada qasriga Madaxtooyada, kuwaas oo abaanduulahoodu ahaa wasiirkii Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, balse khilaafyo dhinaca awooda iyo dhaqaalaha laysku maandhaafay.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews