tahriibtalabadbaadiyayLamaduza(ANN)Masiibadii ugu xumayd ee soo waajahda Muhaajiriin u talaabaya dhinaca dalka Taliyaanigana, taas oo sababtay sida ay sheegeen saraakiisha dhinaca Bada ee Talyaanigu inay ku dhinteen ku dhowaad 400 oo qof oo muhajiriin ah.

tahriibayaal2Masiibada, ayaa dhacday. Kaddib markii sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii lasoo samata bixiyay ay arkeen Markab laga leeyahay Talyaaniga oo ah kuwa ciidamada Bada, waxayna dhamaan farxad a istaageen dadkii saarnaa doontaa, balse arrintaa ayaa sababtay inay qiisto biyaha badda Mediterranean meel qiyaastii Jaziirada Lamaduza 120myl u jirta.

Muhaajiriinta, ayaa maalin ka hor ka dhaqaaqay dhinaca Libya dadka ku dhintay ee aan geeri iyo nolol midna la hayn oo gaadhaya 400 qof, ayaa u badnaa caruur iyo haween sida ay sheegeen saraakiisha badbaadada Caruurta, iyadoo tirada saarnayd doonta lagu sheegay 550 qof oo dumar iyo caruur u baddan, kuwaas oo ka tegey dalalka Somalia iyo Eritrea oo tirada ugu badani ahayd.

Ilaalada xeebaha ee Taliyaaniga ayaa soo badbaadiyay 144 qof, waxayna bilaabeen howlgal baadigoob ah oo diyaarado ay ka qeybgalayaan iyagoo weli rajo ka qaba in dad kale oo baddan la badbaadiyo, balse 9 qof oo Mayd ah ayaa la helay, iyadoo aan midkoodna nolol lagu gaadhin.
Arrintan ayaa si weyn loogu canaantay midawga Yurub, iyadoo warbixinihii u danbeeyay ee Midowga Yurub kasoo saareen Muhaajiriinta ku sheegeen in illaa iyo jimcihii in la soo badbaadiyay 7,000 oo qof oo tahriibayay, kuwaas oo doonayay inay ka gudbaan badda Mediterranean.

Hay’adda arrimaha caruurta ka shaqeyso ee Save the Children waxa ay sheegeysaa in inkabadan 400 oo caruur ah, oo baddan kooda aysan cidna wehlinin ay ka mid ahaayeen 700 oo tahriibayaal ah oo dhowaanahan u soo gudbay qaaradda Yurub ee ka imaanaya Afrika.

Michelle Prosperi waxa uu ka tirsan yahay hay’adda Save the Children, waxa uu sheegayaa inay weli isku deyayaan inay oggaadaan tirada caruurta ku waxyeelowday dhacdadan.

Sarkaalkan u hadlay Save the Children waxa uu sheegay in la gaadhay xilliga tahriibayaasha, marka ay cimilada badda wanaagsanaatana la filayo tiro aad u baddan, taas oo ay ugu wacantahay dadkaa oo kasoo cararaya dalalka colaadaha ay ka jiraan iyo kuwo nolol u raadsanaya dhinaca Yurub.

Dhanka kale, laanta ilaalada xuduudaha ee Midowga Yurub, waxa ay sheegtay in dadka tahriibinta ka shaqeeyo ay xabado hawada u rideen si ay ugu digaan ilaalada xeebaha oo doonayay inay dadkan badbaadiyaan.

Arrintan ayaa ka dhacday maalintii Isniinta, meel qiyaastii 60 mile u jirta xeebaha Liibya, kaddib markii doon talinaayiga laga leeyahay iyo markab ilaalada xeebaha ah ay isku deyeen inay badbaadiyaan 250 qof.

Markii inta badan muhaajiriintii la badbaadiyay, tahriibiyayaasha oo watay doon aad u dheereysa, ayaa soo aaday dhanka shaqaalaha badbaadinta, rasaas ayeyna kor ugu rideen ka hor inatsan jiidanin doontii oo faaruq ah, sida EU ay sheegeyso.

In kabadan 280,000 oo qof ayaa si sharci daro ah ku galay Yurub, sannadkii hore, badankoodana waxay ka carareen dalalka Suuriya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Qiyaastii 3,400 oo qof ayaa badda ku dhimatay sanadkii 2014kii, balse marba marka ka danbaysa waxa sii kordhaya tirada tahriibayaasha doonaya inay ka gudbaan Badda Mediterranean.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.