hawenaysuxufiyad carbedSaudia(ANN)Haweenay ka hawlgasha telefiishan laga leeyahay dalka Sucuudiga oo war amma barnaamij soo jeediye ah, ayaa maalintii ugu horraysay ee ay shaashada ka muuqato lagu eryey muqaalkeeda, kadib markii ninkii u madaxda ahaa go’aamiyey in aanay soo jiidasho lahayn.
Gabadhan oo sheegtay in ay xarunta telefiishanka ka hawlgalaysay, balse ninkii u madaxda ahaa amar ku bixiyey in aanay mar dambe telefiishanka ka soo muuqan, kadib waxay ay ka gudbisay dacwad ah inuu midab takoor kula kacay, jebiyeyna heshiiskii ka dhaxeeyey ee shaqaalaysiinteeda.
Haweenaydan oo aan magaceeda la sheegin ayaa ku dooday in telefiishanka Arab Satallite oo ku yaal caasimadda Riyadh ee dalka Sucuduigu ka dalbaday shaqo una soo diray heshiiska shaqo gelida, balse ay argagaxday markii ay maqashay ninkii u madaxda ahaa oo go’aansaday in aanay ku habboonayn muqaalkeedu in telefiishan laga soo daayo, maalintii ugu horraysay ee ay shaqada bilawdo.
Suxufiyadan waxay madaxa telefiishanka ku eedaysay inuu aflagaadeeyey sida lagu daabacay wargeyska Gulf News, kiiskeedana ay baadhayso maxkamad.
Bishii ina dhaaftay ee January waxa la soo tebeyey in haweenka dalka Sucuudiga ee telefiishanada gaarka loo leeyahay ka shaqeeya ay ku waajib tahay in ay madaxooda asturaan oo xijaab xidhaan.
Noora Al Adwan oo ka mid ah xubnaha haweenka ah ee Golaha Tashiga Sucuudiga, ayaa dalbatay in xidhashada xijaabka lagu soo rogo haweenka telefiishanada wararka ka tebiya, iyadoo tilmaantay in ay huwan yihiin sharafta dumarka qaranka Sucuudiga, waxaanay soo jeedisay in 10 milyan oo Rubiga Sucuudiga ah lagu soo rogo qofka jebiya xeerka dhar xidhashada haweenka suxufiyiinta, balse soo jeedinteedaas waxay cadho ku abuurtay haweenka telefiishanada ka shaqeeya oo sheegay in aanay noloshooda go’aamin karin haweenay kaliya.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com