Maxbuus ah ayuu ku Guulaystay inuu Shahaadada ugu sarraysa ee Phd Diyaariyo

“Waxa aan ku dhashay nolol sabool ah. Hooyaday waxa ay ila korisay saddex carruur ah oon walaalo nahay, waxaannu ku noolay guryaha dadweynaha iyo waliba caawimada dawladdu bixiso. Waan aqaan nolosha adage e inta qofku tago meel bakhaar ah cunto qudhuntay la soo siiyo oo dawladdu siiso, waqtiyada qaarna cuntadu kaa go’do,” ayuu yidhi Nathan Stephens oo noloshiisii hore ka waramaya.
Waxa kale oo Nethan sheegay sida uu dunida dambiyada amma dambiilenimada ku soo galay, waxaannu xusay in sannadkii 1991kii walaalkiisii weynaa la dilay, waxaannu yidhi; “Walaalkaygii waynaa waxa la dilay 1991, walaashayna xabsiga ayaa hoy u noqday, sababo la xidhiidha daroogo ay la qabatintay, walaalkaygii yaraana waxa xabsigga laga sii daynayaa bishan. Dhammaadkii 1989kii waxa aan galay Jaamacadda Lincoln University (MO), markii gabadhayda weyni dhalatay, waxbarashada waan ku wanaagsanaa, balse maalin aan bishii December ku soo noqday gurigayaga, waxa la ii sheegay in aanan u dabbaaldegi karin Christmas ilaa aan bixiyo $80 oo hooyaday dayn ahaan nooga tegtay. Waxa aan isku dayey inaan iibiyo daroogada Cocaine, waxaanan lacag dheeraad ah ka siiyey qof aan jaar nahay si aan Kirismaska ugu dabbaal-degno qoys ahaan, balse habeennimadii baa la I qabtay, waxaana la igu xukumay xabsi-ka-leexin (Probation) si aan waxbarashadayda u dhammaysto.”
Kadib, waxa uu u guuray magaalada Oklahoma, waxaannu galay Jaamacadda Northeastern Oklahoma State University, kadib markii uu aqoontiisa heer ka gaadhay waxa uu u guuray magaalada Tulsa si uu gabadh labaad oo u dhalatay waqti ula qaato, balse muddo labo sanno kadib ah ayuu xaaskiisa furay, waxaannu galay nolol adag oo ah inuu baastooladaha iibiyo, khamriga cabo, xaaladuna ku adkaato.
Sannadkii 1994kii ayaa nin ay saaxiib yihiin kula taliyey inuu la dhaco hudheel uu ka shaqaynayey, waxaannu u sheegay in baxsigu u fudud yahay, balse labadoodiiba inta la qabtay ayaa lagu xukumay 12 sanno oo xabsi ah.
Nasiib wanaag waxa uu xabsiga ku qaatay 5 sanno iyo saddex bilood, waxaana loo diray xabsi kale oo ku yaal Gobolka Missouri ee dalka Maraykanka, si loo siiyo xabsi-ka-leexintii hore loogala noqday, una dhammaysto, inkastoo uu lix bilood oo kale xabsiga ku sii jiray, haddana waxa aakhirkii loo ogolaaday in sii-dayn shuruudaysan (Parole) lagu sii daayo oo uu dibadda wax ku barto.
Waxa uu sheegay dhibaatooyinka ugu badan ee hadda haystaa tahay takoor dambiyada uu galay ah, maadaama bulshada Maraykanka dambiyada qaar aan dadku illaawin oo qofka gala ay adag tahay inuu shaqo helo, bulshadana dhex galo.
Waxa kaloo ninkan uu muddo badan ka shaqeeyey inuu dhallinyarada ka wacyigeliyo dambiyada, waxaannu ku guulaystay billad la yidhaa (Black men’s Initiative Program) oo ay bixiso Jaamacadda Missouri, lana siiyo dadka hoggaaminta fiican iyo dhinaca aqoonta ku wanaagsanaada, isla markaana adeegyada bulsahda ka shaqeeya.
Nolosha adag ee soo martay kadib, waxa uu ku guulaystay inuu dhammaysto shahaadada digriiga oo uu ka qaatay Jaamacadda Columbia College, isla markaana uu diyaariyo Master (Social Work) amma u shaqaynta dadka ah barto oo uu Jaamacadda Missouri ka diyaariyey. Sannadkii 2012 waxa uu bilaabay barashada hoggaaminta iyo fallanqaynta siyaasadda (Education Leadership and Policy analysis) oo uu Phd ku diyaarinayo Jaamacadda Missouri (University of Missouri-Columbia).
“Maan awoodin in aan sii wato barnamaijkan waxbarasho, sababo cadiifad iyo dhaqaale culays ah oo i soo wajahay, balse waxaan rajaynayaa in ay hore iiga dhammaato,” ayuu yidhi Mr. Nathan Stephens.