Araweelo News Network

Nin Guursaday 27 Dumar Ah Oo Dhalay 145 Carruura

Muuqaalka Ninka Guursaday 27ka dumarka ah iyo qaar ka mid ah xaasaskiisa

Muuqaalka Ninka Guursaday 27ka dumarka ah iyo qaar ka mid ah xaasaskiisa

Nin u dhashay dalka Canada ee woqooyiga Ameerika, isla markaana loo yaqaan ninka ugu guurka badan, ayaa qaba 27 xaas, kuwaasoo u dhalay 145 carruur ah.
Dalka Canada oo waqtigan ku hawlan in guurka badan ay xalaaleeyaan amma sharci ka dhigaan, ayaa ninkani sheegay in aannu oggolayn in sharci laga dhigo, isagoo u sababeeyey in haweenka laga faa’iidaysanayo, arrinkaas oo noqday mid dad badan la yaabaan, kadib marka ay arkaan xaasaskiisa tirada badan iyo sida uu uga soo horjeedo sharcigan.
Sida lagu daabacay wargeyska Salt Lake City Tribune oo Jamhuuriya soo xigtay, ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Mr. Winston Blackmore, ayaa sidoo kale ah hoggaamiyaha Ururka Guur-badanayaasha (Polygamous Mormon Fundamentalist Group) oo ka dhisan dalka Canada, iyadoo marar badan lagu xukumay guurka badan ee uu sameeyey.
Ninkan xaasaska badan qaba oo da’diisu tahay 59 jir, waxa uu hore u ahaan jiray wadaad ka shaqeeya kiniisad kiristan oo guurka badan dhiirrigelisa, waxaannu xusay inuu ka cabsi qabo in arrintaas horseedo tacadi badan oo haweenka lagula kaco.
Mr. Blackmore oo guursaday 27 haween, isla markaana dhalay 154 ubad ah, ayaa sannadkii 2007 loo xidhay inuu guurar badan sameeyey, balse waxa xukunkaas dib loogala noqday khaladaad sharci oo ay ku kacday xeer-ilaalinta dacwadda ku soo oogtay.
“Way i daba socdaan habeen iyo maalin ba, waxaanan doonayaa inaan wareeg kale la galo, kii hore waan ka guulaystay,” ayuu yidhi Blackmore oo ka cadhaysan xeer-ilaalinta oo kiisas u raadisa.
Sidoo kale, waxa Blackmore markale lagu eedeeyey 2014 dambigaas hore mid la mid ah, balse ilaa hadda dhegaysiga dacwadiisa lama mudayn, waayo dalka Canada ayaa beddelay qeexitaankii ay u yaqaaneen guurka, taasoo keentay in xeer-ilaalintu hakiso dacwadihiisa.
Waxa uu ninkani sheegay in isaga iyo xaasaskiisa tirada badan ay saaxiib aad u dhaw yihiin, aadna isu jecel yihiin, halka uu sidoo kale iftiimiyey inuu faa’iidooyin badan oo carruurtu ka mid tahay uu ka helay guurka xaasaska badan.
FIIRO GAAR AH: Shareecadda islaamku ma oggola in ninka muslimka ah uu guursado wax ka badan afar haween ah mar qudha, iyadoo aanay bannaanayn in ninku yeesho shan xaas ah mar keliya.