john jihadi2
Bishii August 2009, in yar kadib markii uu qallin-jebiyey wuxuu jihadi John ama Emwazi u duulay dalka Tansaniya ee bariga Afrika, isagoo la socda rag ay asxaab yihiin, waxaanay dawladdu sheegtay in ay wateen gaadhi ugaadhsiga lagu tago ee Safari la yidhaa, inkastoo kooxdaas dhallinyarada ah loo diiday in ay Ingiriiska dib u soo galaan, diyaaradda ay saarnaayeena lagaga reebay dalka Netherlands ama Holland, halkaas oo Emwazi laf ahaantiisu ku dooday in ay ku jidh-dileen su’aalana ku waydiiyeen sarkaal sirdoonka Ingiriiska ah, gaar ahaan hay’adda MI5 ka dirsan oo la yidhaa Nick.
Sarkaalkan Ingiriiska ah wuxuu ku eedeeyey inuu qorshaynayey safar uu ku tegayo dalka Soomaaliya si uu ugu biiro Al-shabaab, waxaannu in badan ku celceliyey sarkaalkaasi in sirdoonku daba socday, balse ninkan dhinaca gawraca ku caan baxay ee Jihadi John wuxuu diiday eedayntaas, haddii iuu doonayo inuu Soomaaliya tagana aanu ka gabadeen oo dib u soo laabteen.
“Waxa uu (Nick) ogaa wax kastoo igu saabsan, halka aan ku noolahay, waxa aan qabto, dadka aan la socdo,” ayuu yidhi Emwazi oo farriimo Email ah u diray kooxda Cage la yidhaa ee u ololaysa Muslimiinta tacadiga lagu hayo.
Sarkaal ka tirsan sirdoonka Ingiriiska ee uu eedaymaha u jeediyey ayaa isku dayey in Emwazi oo 21 jir ah uu sirdoonka ka shaqaalaysiisto, markii uu ka diidayna wuxuu kula kacay hanjabaad badan, waxaannu Jihadi John sheegay in sarkaalkan ku yidhi; “Waxa aad doonaysaa inaad dhibaato badan ku dhacdo, waxa doonaysaa in lagu barto, waxa doonaysaa inaad raaco, nolosha kugu adkaan doonta.”
Hadda, markii ninkan magaciisa asalka ahaa yahay Emwazi ku soo laabtay dalka Ingiriiska waxay qoyskiisu u sheegeen in sirdoonku u yimi, waxaannu xusay in gabadhii uu doonayey inuu guursado qoyskeedu u diideen, sababtoo ah waxa la soo xidhiidhay sirdoonka, waanay cabsadeen.
Sida ay sheegeen xubno ka mid ah qoyska jihadi John ama Emwazi waxay go’aansadeen wixii intaa ka dambeeyey ay ku laabtaan dalka Kuwayt si ay uga foogeeyaan in dhibaato badan oo loogu gaystay Ingiriiska, Imaaraadkana looga raadiyo shaqo Computer Programing ah.
Farrimihii uu u diray kooxda Cage ee islaamka ah ee ololaha ka gasha xad-gudubyada muslimiinta ka dhanka ah waxa uu ku sheegay saraakiisha ammaanku joogteeyeen in ay qoyskooda u yimaadaan, sidaa darteedna uu go’aansaday inuu nolol cusub u raadsado dalka Kuwayt, halkaasna u guursado, balse sannadkii 2010-kii oo uu booqasho ugu soo noqday dalka Ingiriiska ayaa lagu joojiyey madaarka Heathrow Airport ee magaalada London, dibna loogu celiyey dalka Kuwayt, waxxaannu sheegay in saraakiil warraysanayey xad-gudub kula kaceen, gidaar madaxa ugu dhufteen, gadhkana jiid-jiideen, bah-dilaadna ku sameeyeen, arrimahaasoo la tuhunsan yahay inay ku abuureen figrada ah inuu si xun u gawraco dadka u gacan gala kooxda ISIS.
Kadib, markii falkaas lagula kacay waxa uu cabasho u gudbiyey Guddida Cabashada Booliska loo gudbiyo, isagoo u gudbiyey in saraakiil xad-gudub kula kaceen, balse dokumantiyo maxkamadda la horkeenay ayaa lagu sheegay in mar dambe la xidhay, laguna eedeeyey inuu haystay shan baaskiiladood oo la xaday, inkastoo markii dambe maxkamaddu dambigaas ku wayda, loona celiyey xoriydiisa.
Waxa laga hor joogsaday inuu dib ugu noqdo dalka Kuwayt sida uu sheegay Emwazi, waxaannu magaalada London ku dhex ahaa maxbuus aan meelna u bixi karin, waxaana daba socday inta badan ciidammada ammaanka, kana hor istaagay inuu dalkiisii hooyo ee uu nolosha cusub ka bilaabay ku noqdo.
Qaar ka mid ah saaxiibadii ayaa wargeyska Washington Post u sheegay inuu in badan hadal hayey siddii uu ugu safri lahaa dalka Suuriya, halkaasoo uu ka ka bilaabmay markaas kacdoonka Bashar Al Assad lagaga soo horjeeday.
Sidoo kale, wuxuu shaqo ka dalbaday dalka Sucuudiga, halkaas oo uu Xarunta Luuqadda Boqortooyada ka dalbaday inuu Luuqadda Ingiriisiga dhigo, balse laga diiday, iyadoo aabbihii kula taliyey inuu magaca iska beddelo si uu uga badbaado xayiraada Ingiriisku saaray, waxanay ururka Cage sheegeen inuu sannadkii 2013-kii magaciisa u beddelay Mohammed al-Ayan, kadibna uu dhawr jeer isku dayey inuu Kuwayt ku noqdo, balse laga xayiray inuu Ingiriiska ka baxo, kaasoo muddo kaddib ka dhuuntay waalidkii, waxaanay diiwaangeliyeen in la waayey oo la la’aa muddo saddex maalmood ah, balse ciidammada boolisku sheegeen in afar bilood ka hor ay ahayd markii ay u sheegeen in ay maqleen inuu Suuriya joogo.
Turjumaddii: Ibraahim Khadar Siciid