prof Gees1
“Somaliland oo tirada codbixiyaashu aanay marna kor u dhaafin lix boqol oo kun (600,000) ayaa doorashaddii la qaban kari la’yahay waa hadal af ka weyn oo ceeb ku madaxda xisbiyada, Guddida Doorashooyinka…”

Prof. Gees

Hargeysa (ANN)Prof. Maxamed Siciid Gees oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka Somaliland, ayaa ka digay dhibaatooyinka ka dhalan kara haddii lagu dhaqmi waayo hannaanka dimuqraadiga ah ee doorashooyinka, lana caadaysto muddo-kordhin iyo xaal-mastuur.

Sidaana waxa Prof. Gees ku sheegay qormadiisa toddobaadlaha ah ee Dharaaro Xusuustood, qaybteedii 39aad, waxaannu isbarbardhig ku sameeyey hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka Hindiya oo aanay maalin qudha doorashooyinku dib u dhicin iyo Somaliland, labadaas dal oo uu xusay in aad u kala badan yihiin dadka loo diiwaangeliyo inay coddeeyaan doorashooyinka.

Qormada Dharaaro Xusuustood qaybteeda Khamiista maanta oo uu Prof. Gees kaga hadlay hannaanka dimuqraadiyadda, tallooyin iyo dardaaran ugu jeediyey dawladda iyo xisbiyada qaranka, isla markaana uu ku muujiyey dhibaatooyinka hoggaaminta keli-talisnimadu leedahay, waxa uu ku yidhi; “Taladii uu Madaxweyne hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax uu u jeediyey Madaxweyne Marxuun Cigaal iyo wefdigiisii sannadkii 1999 ee ahayd, “Ku qabso ku qadimaysid eh.” Sharciyadda dawladnimada, qolada Wallaweynta, ayaa maanta mid la mid ah ka taagan tahay dalkii Yemen.

Qaybtii Waqooyiga ee loo yiqiin Dawladda Waqooyiga Yemen oo ka koobnayd 13 gobal, 11 gobal oo ka mid ah iyo caasimaddii SANCA, waxa qabsatay jabhadda Xuutiyiinta. Labada Gobol ee TACIS iyo MA’RIB ayaa iska caabbiyey oo aay qabsan kariwaayeen.

Qaybtii la odhan jiray Dawladda Koonfurta Yemen ee caasimaddeedu ahayd CADAN, waxa u soo guuray Madaxweynihii la ictiraafsanaa oo reer Koonfureed awalba ahaa iyo dawladdiisii qayb ka mid ah oo sheegtay dawladdii sharciga ahayd ee Jamhuuriyadda Yemen. Hadda labadaas dawladood ayaa ka jira Yemen. Qolada Cadan waxa taageera Dawladaha Khaliijka ee lacagta leh oo ay hormood u tahay Boqortooyada Sucuudigu, Qolada Sanca ee Xuutiyiinta waxa taageera Eeraan (Iran), Ciraaq, Suuriya iyo Xisbu-llaahi, waa shiicadii. Bal ka sitee.

Waxa la yidhi; ‘Wadahadla, oo heeshiin maayaan ee waa dagaal, oo kii roonaadaa ayaa reerka u hadhaya ama waa iska kala taga.’ Dalka Yemen waa deriskeenna ee bal aad ha loola socdo sida ay wax u dhacayaan. Waagii hore ee la isqabtay 1994 ee qolada Koonfurtu ku dhawaaqday goonni–isu-taagga, Marxuun Cigaal waxa uu ictiraafay qoladaas Cadmeed, nasiib-darro waa laga itaal roonaaday. Maanta bal dabaysha aan hilaadinu xagga ay u dhacayso, yaanse lagu degdegin.

Madaxweynihii hore ee dalka Yamen Cali Cabdalla Saalax, ayaa markii kacdoonkii dadku ku qasbay inuu ka dego xilka oo uu xoog iyo xeelad ku haystay 33 sanno ah, ayaa ku hadaaqay weedha “Dancing on the heads of snakes” oo macnaheedu yahay “Ku dul dhantaynaayaa madaxyada masaska.” Taasoo oo taariikhda u gashay. Waxa uu u jeeday Yemen ciddii xukuntaa waa cid ku dhul dhaantaynaysa madaxyo masas oo haddii aad jaanta la weydid mas ayaa kugu dhufanayaa. Madaxweynihii ka dambeeyey ku dhaantayn kari waa madaxyadii masaska oo waa kaa caasimaddii Sanca ka carraray oo Cadan tegay. Maxamed Siyaad Barre ayaa markii Soomaaliya laga saaray isaga oo la baacsanayo, ayuu orodkii ku galay dalka Kenya, waxaannu markii la waraystay uu isna yidhi; “Dad waalan ayaan jeel ku hayey, oo jeelkii jabsaday.” Waa markuu 22 sanno isna xukumayey. Maxamed Siyaad Barre waxa uu ku dhintay Dalka Nayjeeriya (Nigeria) oo magan-geliyo siisay. Dalkaas oo uu ka talin jiray waqtigaasi keligii-tashade la odhan jiray Abaaja (Sani Abacha).

Wasiiru-dawlihii Arrimaha Dibedda ee dalka Itoobiya ee hore Dr. Alemu Tekede ayaa mar uu igu martiqaaday Magaaladda Addis Ababa, waxa uu yidhi; “Waxan dhambaal u geeyey Madaxweyne Abacha. Dhambaalkaas oo iigu sii dhiibay Meles Sinaawi Madaxweynihii Itoobiya sannadkii 1995. Waqtigaas oo Siyaad Barre uu ku geeriyooday caasimadda dalkaas Nigeria ee Abuja. Waxa hoggaamiyihii Abacha uu ii sheegay inuu Siyaad Barre is-dilay ee aanu caadi u dhiman.” Ma aan sii weydiin habkii uu isu dilay Wasiirkii reer Itoobiya ee warka ii sheegay, waayo waqtigaas uu warkaasi ii sheegayey waxa uu ahaa sannadkii 2004 oo aan ahaa Agaasimaha Fulinta ee Akaademiga Nabadda iyo Horumarka.

Madaxda dalalka Muslimiintu intay isku magacaabaan; Amiirro, Khaliifyo, Aabbihii Garashada iyo Odayga ayey dadkood carruur ka dhigaan, oo ka qaadan xoriyadooda, una diidaan inay doortaan madaxdooda iyo ciddii ay ku aamini lahaayeen masiirkooda iyo aayahooda. Marka ay jiq ku noqoto ee dadka ay dhibeen ku dillaacaan ayey ku sheegaan masas jebiso ah iyo dad waalan oo mar dambe u gefaan oo ugu sii daraan dhibaatadii hore hadalo deel-qaaf si aan loo sheegin dambiyadooda.

Bal waxaad is barbardhigtaa, dalalka India, Pakistan iyo Bangladesh oo mar isku ahaan jiray dal qudha oo la wada odhan jiray Hindiya oo Dawaladda Boqortooyada Midawday (United Kingdom) ay guumeysan jirtay. Markii ay dawladnimada qaateen ayey u kal go’day Hindiya saddexdaa dal oo muslin iyo Hinduus kala ah. Hindiya waxay raacday dhabbihii dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka, waa taas maanta dayax-gacmeedada u diraysa xiddigaha oo dhowaan u siqi doontaa dalka ugu dhaqaalaha weyn dunida.

Pakistan iyo Bangladesh halka ay ku dambeeyeen waxa sabab u ahaa madaxdii qabsatay oo jidkii keligii talisnimada mariyey dalkii oo dimuqraadiyaddii god madaw ku riday, tii ayey ka soo waaqsan waayeen. Waad aragtaa maalin aan dhibaato laga sheegayn ma jirto. Hadda akhirstaw dadka Hindiya iyo Pakistan iyo Bangladesh ku nooli waa isku mid. Waxa kala duway madaxdii majaraha siyaasadda u kala qabatay ee labada jid kala raacday.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa; “Awrka dambe Awrka hore ayuu tallaabadiisa leeyahay.” Madaxda reer Somaliland muxaafid iyo mucaaridba waxa saaran xil taariikh ah. Ummaddaas iyo dalkaas cusub ee curdinka ah, haddii jidkaas lagu badhaadhay ee dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka iyo illaalinta xoriyaadka uu u asteeyey dastuurku lagu hagaajo, way kori oo nabad iyo horumar ayey gaadhi doontaa: haddii laga baydho oo muddo-kordhin iyo xaal mastuur iyo beelaysi lagu warwareego, waxa dhici doonta reer ba’ow yaa ku leh.

Dimuqraadiyada, sharci ku-noolashaha iyo ilaalinta xuquuqda aadamigu ma aha wax marna la siiyo dadka, marna loo diido ama sida qasabadda biyaha oo marna la xidho, marna la furo, ciddii madax ahna siyaas ka yeesho. Waa wax la barto oo lagu noolaado, waayo-aragnimo u noqda oo ay ku ababaan dhaxalna u noqda faca soo koraya ee ma aha waxyi mar soo degaya ee waa kuf iyo kac.

Hindiya tirada cod-bixiyaashu waxay yihiin 814 milyan (814,000,000,), maalin doorashada dib looma dhigin loomana dhigi karo, muddo-kordhin sheekadeed daa.’ Somaliland oo tirada codbixiyaashu aanay marna kor u dhaafin lix boqol oo kun (600,000) ayaa doorashaddii la qaban kari la’yahay waa hadal af ka weyn, oo ceeb ku ah dadka iyo madaxda xisbiyada, Guddida Doorashooyinka, aqoonyahanka iyo madax-dhaqameedka Somaliland oo haysata odhaahdii Sayid Cali Binu Daalib ku yidhi ciidankiisii markii ay dagaaalami waayeen; “Mar waxaad tidhaahdaan waa kul oo dagaalami mayno, marna waxaad tidhaahdaan waa dhaxan oo dagaaalami mayno, marmarsiinyo ma weydaan.”

War beenaw haddii mindhaa aan beddeli lahayn labada qodob ee waqtigii xaarama-cune lagu soo dhaafay ee la shakisanaa ee dastuurka ku jira, kuwaas oo kala ah qodobka 42aad farqadiisa 3aad, iyo qodobka 83aad farqadiisa 3aad waa la qaban lahaa doorasho walba waqtigeeda ee isku halayn ayaa jirta oo keenaysa wahsiga.” Wahsi baa naftaydii dilee inaan warfaa weeyee.” Sidaa waxa yidhi Gabayaa Soomaali ah. Wuxuu odaygii Soomaaliyeed ku yidhi inamadiisii markii naftu qabatay waar Nuur iyo Naaleeye waad joogtaan eh naftu yey iga bixin!! Waar Somaliland muxaafid iyo mucaarid waa loo wada joogaa eh dimuqraadiyaddu yaanay innaga bixin!!

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews