Prof. Siciid Sh Smatar
Washington(ANN)Prof. Siciid Sheekh Samatar oo ahaa Professor Taariikhda Afrika ka dhiga Jaamacadda Maraykanka ee Rutgers University ayaa xalay ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Professor Samatar waxa uu ahaa aqoonyahan si weyn looga yaqaano dhulka Soomaalida, isla markaana qoraallo, Buugag iyo tacliiq badan ka sameeyey Soomaaliya, Amuuraha Maraykanka iyo Afrika intaba, wuxuuna ahaa aqoonyahan nidaamyadii dawladihii soo maray Somalia aanay waxba ka beddelin aragtidiisa, sida ay markhaatiga k tahay tan ka muuqata halkan(CROSSING SWORDS: SIAD BARRE AND PROFESSOR SAID S. SAMATAR), isagoo mid walba tixi jiray dhaliisha ay leedahay iyo aragtidiisa waxa uu doonayo inay Somalia noqoto, balse wuxuu geeriyooday iyadoo aanay weli waxba iska beddelin mawqifkiisa ku aadaanaa arrimaha Somalia, isla markaana aanay muuqan rajo iyo yididiilo inay bulshada Somaaliyeed hesho qaran ku dhisan nidaam caddaalad, xaqsoor iyo sinaan.

Prof. Siciid Sheekh Samatar, wuxuu ahaa aqoonyahan aanay fekerkiisa iyo aqoontiisu ku milmin aragtiyaha kala qoqoban ee bulshada Soomalida, isla markaana wuxuu ahaa Aqoonyahan caan ka ah Degelada Aqoonta ee Dalka Maraykanka iyo meelo kaleba, isagoo ka mid ahaa tiro yar oo aqoonyahan si dhab ah garoodkooda iyo aqoontoodu u kortay waxbadan oo uga talawday dunida, isla markaana wuxuu ahaa nin ay warbahinta dunida gaar ahaan kuwa Maraykanku si weyn u xushmeeyaan oo wax laga weydiiyo arrimaha dunida, gaar ahaan kuwa afrika iyo mandaqadaha kale sida dunida Carabta iyo Afrika.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Cilmiga Dhaqaalaha iyo Siyaasadda adduunka ka dhiga Macalester College ee Gobolka Minnesota ayaa VOAda uga warramay Taariikh nololeedkii iyo aqoontii Allaha u Naxariistee Prof. Saciid Sheekh Samatar. Riix Halkan

Warbixin: By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Araweelo News Network Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409