Araweelo News Network

qareenkudacwoodayNin qareen ah oo u dhashay dalka Talyaaniga, ayaa shirkadda diyaaradaha ee Emirates Airline ku dacweeyey inay ag fadhiisiyeen nin buuran sagaal saacadood oo uu diyaaradda ku safrayey, taasina ku keentay inuu diiqad dareemo.
Qareenkan oo la yidhaa Giorgio Destro oo diyaaradda ka raacay magaalada Cape Town ee waddanka Koonfur Afrika, una socday magaalada Venica ee Talyaaniga, ayaa sheegay in ninka rakaabka ah ee buuran naqaska ku dhejiyey, cidhiidhi badanna geliyey intii uu safarka ku jiray, sida wargeyska The Sun daabacay oo Jamhuuriya soo xigtay.
Waxa kale oo saxaafadda Talyaanigu qortay in qareen Destro uu ka mid ahaa macaamiisha aadka ay u jeceshahay shirkadda diyaaradda Emirates, waxaannu looyarku sheegay inuu dhib ka mutay safarkaas dheer iyo ninka lala fadhiisiyey.
“Sagaal saacadood waxay noqotay inaan istaago amma aan fadhiisto kursi shaqaaluhu lahaa marka ay ka kacaan, markii ugu dambaysayna ee diyaaraddu safarkeeda soo gebagebaysayna waaban cidhiidhi noqday, rakaabka igu xigayna dhib buu lahaa,” ayuu ku yidhi ninka looyarka ah ee dacwadda ku furay shirkadda diyaaradaha.
Qareenkan waxa uu iska qaaday sawir si uu u muujiyo cidhiidhaga ninka buuran geliyey, dacwaddiisuna u guulaysato, caddayn ahaanna ugu isticmaalo.
Dacwaddiisa oo uu bilaabay 2, July 2016, waxa uu kaga dalbaday shirkadda diyaaradaha in la siiyo lacag dhan £653.87 (lix boqol, saddex iyo kontan, dhibic, siddeetan iyo toddoba senti) giniga Ingiriiska ah oo ah kharashkii diyaaradda kaga baxay iyo £1,721.81 ginni oo magdhaw ah. Dhegaysiga dacwaddan oo dhacday bishii hore ayaa ilaa hadda aan xukunkeeda lagu dhawaaqin.