gabdho islamayTirada dadka diinta islaamka qaatay 10 sanno ee u dambeeyey dalka Ingiriiska, ayaa aad u sii kordhaysa, waxana sida lagu sheegay baadhitaan lagu qiyaasay dadka islaamay muddooyinkii u dambeeyey oo ay diyaariyeen laba suxufi eek ala ah Jeremo Taylor iyo Sarah Marrison oo wargeyska Independent u shaqeeya.
Dhibaatooyin badan oo lagu hayo muslimiinta Ingiriiska ku nool, ayaa haddana dadka qaadanaya qaciida islaamku aad u sii badanayaan, waliba si qayrul xad ah.
Marka la qiyaasay dadka Ingiriiska ku nool ee qaatay diinta islaamka, iyadoo ay aad u adag tahay in dhabta laga sheegay, haddana qiyaasaha hore waxay sheegaan in 14,00 ilaa 25,000 qof islaam noqdeen 10 sanno ee u dambeeyey, laakiin daraasad cusub oo dhawaan la sameeyey ayaa sheegtay in 100,000 qof ay kor u dhaafeen dadka Ingiriiska ku dhex muslimay, waxaana sannad kasta diinta islaamka qaata 5,000 qof oo adduunka ah sida daraasada lagu sheegay.
1. Hana Tajima:
Gabadha la yidhaa Hana Tajima waa haweenay 23 jir ah oo dharka casriga ah nashqadaysa (Fashion designer), waxaanay qaadatay diinta islaamka, kadib markii asturnaanta islaamka aad ugu cajabtay, waxaana aasaastay Guriga Nashqatadaynta Dharka oo magaciisu yahay Maysaa (Maysaa Fashion House).
Haweenaydan oo ka sheekaynaysa sidii ay islaamnimada ku qaadatay waxay tidhi; “Waxa run ah waligay in aanan go’aansan inaan diinta islaamka qaato, manaan garanayn waqti aan go’aansan doono fikirkan. Qoyska aan ka dhashay ma aha qoys diinta ku xidhan. Aad baan u xiisayn jiray arrimaha diinta, balse aad baan uga baqi siday noloshayda ula xidhiidhi lahayd.
Waxa aan ku koray tuulo yar oo la yidhaa Devon, halkaas oo aabbahay oo asal ahaan Japanese ah awoowayaashii ka soo jeedaan. Markii aan waxbarashada sare galay waxaan la kulmay dhallinyaro aad u xiisaysa qoob-ka-ciyaarka, cabitaanka khamriga iyo nolol kale oo aad u khariban.
Sidoo kale, waxaan la kulmay, saaxiibana la noqday dhawr qof oo Islaam ah oo kulliyada nala dhigan jiray, waxaanan inta badan ku caayi jiray dhawrsoonaantooda, sababtoo ah may bixi jirin, manay tegi jirin kalaabyada habeennadii lagu caweeyo iyo waxyaabo badan oo aannu samayn jirnayna way ka gaabsan jireen, waxaanay iila muuqatay wax cajiib ah in aan qofna bixin marka uu da’da dhallinyaranimo ee 17 ku jiro.
Waqtigaas uun waxaan bilaabay barashada culuumta Falsafada (Philosophy), kadib waxyaabaha aan ku dhaqaaqay waxa ka mid ahaa in aan timahayga madoobeeyey, waxaa ii bilaabmay jid wareer badan oo noloshayda ku saabsan, waxyaabo badan oo aanan is waydiin jirin baan is waydiiyey.
Muqaal ahaan qof qurux badan baan ahaa, saaxiibo fiican oo wiilal iyo gabdhaha leh baan lahaa, waxaanan u haystay in wax kasta agtayda yalaan, balse waxaan dareemay in aan arrinku sidaa ahayn… La soco….

By. Abdullaahi Bershia