Araweelo News Network

Qoomyad ku dhaqan dalka Itoobiya, ayaa dhaqan iyo caado u leh inay sannad kasta qabato tartan dhexmara ragga buurbuuran iyo sida ay u kala culays badan yihiin, iyadoo loo dejiyo shuruudo adag oo ay tahay inay fuliyaan ka-qaybgalayaasha tartanku.
Qoomiyaddan Itoobiyaanka ah oo la yidhaa Bodi oo ku nool baadiyaha dalkaa,s waxa ay tartankan qabsadaan sannad cusub oo kasta, waxana diyaarinta xafladda tartanku qaadataa lix bilood, inkastoo maalinta la gaadho sharciyadda ka yaal ay aad u adag yihiin, haddana tartamayaashu waxa ay sii diyaar garoobaan muddo lix bilood ah si ay uga baxaan shuruucda culus ee marka miidaanka/goobta la yimaad lagu dhaqmo.
Muddada lixda bilood ah waxa ay raggan quutaan oo kaliya caano markaas uun laga soo lisay lo’ iyo dhiig ay ka shubtaan lo’da si ay jidhkooda u naaxiyaan, kadibna tartanka ugu guulaystaan, iyadoo aan muddadan loo oggolayn in ay ka baxaan cariishkooda amma u tagaan xaasaskooda ammase dumarba u dhawadaan, inkastoo loo oggolyahay in haweenka iyo hablahoodu caanaha u keenaan subax kasta si ay guusha u qaadaan.
Abaalmarinta uu helo qofka guulaysta waa caannimo iyo inay ka dambeeyaan ragga qabiilkiisa oo ay ku daba faylaan.
Dooxada Omo oo ah halka ay ku nool yihiin qoomiyaddani uma oggoladaan, kumana dhaweeyaan dalxiisayaasha, mana jecla in la soo dhex galo dhaqankooda oo aad u adag aawadeed, waxaanay inta badan ka cabsadaan in la dhaqan-guuriyo oo ubadkooda dhaqanno kale lagu faafiyo.