Araweelo News Network

ninkaqoyskiisu kunaxay
Nin da’da dhexe ah oo u dhashay dalka Shiinaha, kaasoo lagu dhawaaqay inuu dhintay afar sanno ka hor, qoyskiisuna u haysteen inay maydkiisa ay gubeen amma ay astureen, ayaa isagoo nool ku noqday gurigooda oo ku yaal tuulo badhtamaha dalkaas ku taal, isla markaana sababtay in xubnaha qoyskaasi naxdin iyo anfariir la kala yaacaan.
59 jirkan oo magaciisa la yidhaa Ma Jixiang waxa la waayey sannadkii 2009, waxaanay boolisku caddeeyeen 2012-kii inuu gaadhi jiidhay, sida uu soo tebiyey wargeyska People’s Daily Online oo Jamhuuriya soo xigtay.
Ninkan qoyskiisu waxa ay aaseen mayd ay u haysteen amma rumaysnaayeen inuu isaga ahaa, iyagoo ku gubay meydkiisa tuulada Tanjialong oo ku taal Gobolka Hunan ee dalka Shiinaha.
Warbixin ninkan laga qoray ayaa sheegtay in ninkan qabo xannuunka dhimirka, qoyskiisuna 2009 booliska u gudbiyeen warbixintiisa iyo in ay wayeen, waxaannu ka baxsaday gacanta inaadeerkii oo daryeeli jiray.
Sannadkii 2012, ayaa ciidammada nabadgelyada waddooyinku qoyska u soo sheegeen in maydka Mr. Ma laga helay waddo isagoo baabuur jiidhay. Maydka dhibbanaha oo aan la aqoonsan karin, waxana aakhirkii la isla gartay in aan dheecaanka DNA lagu go’aamin karin in aanu ahayn wiilkoodii. Qoyskiisa oo saddex sanno raadinayey ayaa lagu qanciyey inuu isagii yahay.
Mr. Ma qoyskoodu waxay u aasteen hab-dhaqameedka Shiinaha qoomiyado ka mid ah oo meydka guba, iyagoo dambaskiisana ku riday qumbe February 2012-kii, halka ka hor intii aan la gubin shan ka mid ah walaalihii maydka eegeen, sheegeenna inuu isagii yahay.
Qoyskan oo baadiyaha ku nool waxa ay kumanaan lacagta Yuan ee Shiinaha ah ku kharashgareeyeen in ay u dhisaan xabaal ay qurxiyeen oo ay ku xardheen calaamado dhaqameed iyo waliba dahab ay dhakada sudheen, iyagoo aaminsan inuu ku noolaan doono nolol raaxo leh.
Waxa ay ka quusteen wiilkooda, laakiin December 22, 2015, ayaa layaab iyo anfariri waxa ku noqday Ma’s oo 59 jir noqday oo gurigooda kadinka laga soo geliyey, iyagoo ay wadaan saraakiil Tanjialong ka hawlgala.
Waxa loo sheegay qoyskooda in la afduubay, lagana iibiyey shirkad biraha ka shaqaysa si ay uga dhigtaan shaqaale, aadna ugu shaqaysteen sida lagu daabacay wargeyska Democracy and Law Times oo China ka soo baxa.
Waxa shirkaddu ku shaqaysatay saddex sannadood, iyadoo la sii daayey markii uu awood gabay, caafimadkiisuna xumaaday oo uu xamili waayey shaqo culus.
Mr. Ma waxa uu muddo badan darbi-jiif ku ahaa waddooyinka magaalada Henyang ee gobolka Hunan ee dalka Shiinaha sida wararku soo tebiyeen, balse markii ciidammadu heleen waxa uu sheegay gurigooda lambarkiisa, sidaasna waxa loogu keenay qoyskooda.
Waxa ay aqbaleen wiilkooda, iyagoo sheegay in ay aad u dareemayaan ceeb, maadaama aanay raadin wiilkooda oo noo, taasina ay ka soo horjeedo dhaqanka ay ku dhaqmaan Shiinaha reer baadiyaha ah qaar ka mid ah.