Araweelo News Network

bill-gatesNinka adduunka ugu maalqabeensan Mr. Bill Gate oo u dhashay waddanka Maraykanka, ayaa go’aansaday inuu hantidiisa oo dhan £70 Bilyan oo lacagta Ingiriiska ah uga tago dadka saboolka ah marka uu dhinto. Waxa uu xusay in ubadkiisa arrintaas caawin doonto.
Bilyaneer Bill Gates oo leh saddex carruur ah oo la kala yidhaa Jennifer, 20 jir, Rory, 17 jir iyo Poebe oo 14 jir ah, waxa uu ubadkiisa kula dardaarmay in ay aqoon bartaan, iskoodna u shaqaystaan si aanay ugu baahan hantidiisa.
Mr. Bill Gates waraysi lala yeeshay toddobaadkan waxa uu ku sheegay haddii uu hantidiisa uga tago ubadkiisa inay ku kharribmayaan, noloshoodana caqabad ku noqonayso, waxaannu tilmaamay in go’aankaas ay la qateen.
“Waligood sabool ma noqonayaan, carruurteennu waa in ay waxbarasho helaan iyo waxooga lacag ah si aanay u sabool u noqon, kadibna waa inay guriga ka tagaan oo ay shaqaystaan. Carruurta uma fiicna in lacag badan iyo hanti badan looga tago. Waxa ay kharribtaa wax kasta oo ay qaban kari lahaayeen amma ka horistaagta inay hammigooda ku guulaystaan oo darriiq jeexdaan. Lacagtan waxaan ugu deeqay dadka saboolka ah. Way og yihiin arrintaas, waanay ku faraxsan yihiin. Safarada way noo racaan si ay u arkaan shaqooyinka aan qabanay,” ayuu yidhi Bill Gates.
Sida warbixin lagu soo saaray waxa hantida bilyaneerkan badankeeda la gelin doona sadaqo, gaar ahaan hay’adda Bill and Melinda Gates Foundation, taasoo inta badan caawimo ka geysata mashaariicda waxbarashada iyo caafimaadka ee adduunka oo dhan.