Masraxiyad ka socotay xarunta dhaqanka ee Hargeysa oo lagu soo gunaanaday bandhiga buugaagta ee sanadkan Magaalada Caasimada ee Hargeysa waxa si weyn usoo jiiray ka qaybgalayaasha madasha fadhiyay oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib xaadir ku ahaa masraxa nbandhiga markii koox haween ah ay mar keliya dareenka dadkii madasha fadhiyay ruxeen.

Haweenka ayaa soo bandhigay waxa loo yaqaan Sitaadka oo inta baddan haweenkii hore ee Bulshada Soomaalida caan ku ahaayeen gaar ahaan kuwa Somaliland, iyadoo inantii Nebi Maxamed CSW ee Faadumo Rasuul ku amaanaya Allah raali ha ka ahaadee waa Hooyadii dhashay labadii wiil ee Nebi Maxamed aad u jeclaa Xasan iyo Xuseen nabadgelyo iyo naxariisi korkooda ha ahaatee.

Muuqaalkan ayay haweenku ku gilgileen masraxa waxaana laga dabaday dhawaaq dheer oo madasha kasoo yeedhay dhawr mar inay ku celiyaan.