Amsterdam(ANN)-Siyaasi u dhashay dalka Holland oo hore uga tirsanaa xisbiga midigta fog ee Geert Wilders, isla markaana caan ku ahaa dhaleecaynta iyo muujinta nacaybka Islaamka, ayaa si lama filaan ah u qaatay Diinta Islaamka oo kusoo leexday Dariiqa xaqa ah.

Mr. Joram Van Klaveren, wuxuu sheegay in wax walba oo hore uga soo baxay oo muujinayay Islaam nacayb ay ahaayeen wax khaldan, maadaama uu xilligan qaaday Diinta xaqa ah ee Islaamka, wuxuuna xusay inuu qoray Buug uu laga hadlayo wanaaga Diinta Islaamka.

“Intii aan qorayay buuggan, waxaan arkay waxyaabo aad u badan oo bedelay fikirkii aan ka heystay diinta islaamka, taasi oo aan aaminsanahay in ay xikmad  ku jirtio”. Ayuu yidhi, Joram.

Warbaahinta maxaliga ee dalka Holand, ayaa qaadaa dhigtay Siyaasiga qaatay Diinta Islaamka, waxayna ku tilmaameen inuu ahaa mid aad u neceb dadka heysta diinta islaamka, isagoo sida mararka qaar gaadhay sida ay sheegeen inuu diinta Islaamka ku tilmaamo mid “been abuur ah”.

Sidoo kale Qur’aanka Kareemka ah,  ayuu ninka soo Islaamay hore ugu tilmaamay mid “sun ah” waxaana aad loo xusuusta hadal uu horay u yidhi oo ahaa in “dhibaatada ugu badan ee adduunka ka taagan ay tahay Islaamka”.

Joram Van Klaveren ayaa horay uga tirsanaa barlamaanka dalka Netherland sanadihi 2010-ka ilaa iyo 2014-ka

Joram Van Klaveren ayaa horay uga tirsanaa barlamaanka dalka Netherland sanadihi 2010-ka ilaa iyo 2014-ka

Joram Van Klaveren, ayaa horay uga tirsanaa barlamaanka dalka Netherland sannadihi 2010-ka ilaa iyo 2014-ka, wuxuuna iskaga baxay xisbigii uu katirsanaa, isagoo  sameystay xisbi uu leeyahay.

Mar wax laga weydiiyay bal in uu ka qoomameynayo hadaladii uu ka yidhi  Islaamka, wuxuu sheegay in waxwalba oo uu hore u yidhi, xiligaasi ay khaldanaayeen,  isla markaana waxwalba oo uu yidhi ay ugu wacneyd siyaasadaha xisbiga PVV, oo uu sheegay inay aaminsanayeen in waxwalba oo xun lala xidhiidhiyo Islaamka.

Sidoo kale Arnoud van Doorn oo isna hore  uga tirsanaa isla xisbigii uu ka tirsanaa Jarom,  ayaa hore u qaatay diinta islaamka, waxaana uu Jarom ugu hambalyeeyay go’aanka uu qaatay ee xaqa ah iyo inuu Diinta Islaamka soo galo.

Dalal badan oo ku yaala qaaradda Yurub ayaa sannadihii dambe waxaa kusoo badanayay dadka qaadanaya diinta islaamka. Baadhitaan la sameeyay dhowr sano kahor, waxay Machadyo iyo Jaamacaddo dalalka reer galbeedku leeyihiin oo sameeyay baadhitaanada ku oggaadeen in diinta Islaamka ay tahay diinta ugu faafidda badan caalamka, isla markaana ay tahay ta keliya ee xaqa ah oo Nabad iyo Nolol dhamaystiran ah.

Sidoo kale Baadhitaan ay hore u samaysay hay’adda magaceedu yahay,  Pew Research Center,  ayaa muujinaya in marka la gaadho sannadka 2070-ka ay Muslimiintu ka badan doonnaan Kiristanka.

Pew Research Center,  ayaa sidoo kale warbixintii ay soo saartay ku muujisay in dadka Kiristanka ee ku nool dalalka Britain iyo Fransiiska ay tiradoodu boqolkiiba konton hoos u dhici doonto sannadka 2050-ka, halka boqolkiiba toban dadka ku nool Yurub  lagu wado in mustaqbalka ay qaataan diinta islaamka.

Mareykanka ayay warbixintu sheegtay in hal qof oo ka mid ah konton kii qof ee ku nool dalkaasi ay sannadka 2050-ka qaadan doonaan diinta islaamka.