Yuusuf DayuurWashington(ANN) Wiil Somalia American 12 jir ah, ayaa si adag ugu jawaabay dhawaaq cunsuriyad xanbaarsan oo Mr. Ben Carson oo ah siyaasi ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Maraykanka ee u tartamaya Xisbiga Jamhuuriga ku sheegay dhowaan in qof Muslim ah aanu ka noqon karin dalka Maraykanka Madaxweyne.

Hase yeeshee Yusuf Dayuur oo ah Wiil yar oo ahaan kasoo jeeda Bulshada Soomaalida, ayaa jawaab uu siiyayay siyaasiga Ben Carson, ku sheegay inuu isagu Yuusuf ahaan ku hamiyayo inuu noqdo Madaxweynihii u horeeyay ee Muslim ah ee dalka Maraykanka.

Hooyada dhashay Yuusuf, ayuu ka codsaday inay jawaabta uu kuu ka bixinayo hadalka kaga duubto Talefoonka gacanta,“Tan waa jawaabta aan siinayo musharax Ben Carson,” ayuu Yusuf ku bilaabay cod degen oo faseex ah.

Labo daqiiqo iyo 20 seken ayuu Wiilka Yar kaga hadlay arrimo la xidhiidha isirka,Diinta iyo addoonsiga, wuxuuna si badheedh ah uga dhowaajiyay inuu yahay mustaqbalka musharax Madaxweyne dalka Maraykanka.

“Mr. Carson,Bal ka waran haddii qof kuu sheego in aanad Madaxweyne noqon karin sababo la xidhiidha midabkaaga, ka waran haddii qof kuu sheego in aanad Madaxweyne noqon karin sababo la xidhiidha isirkaaga, ka waran haddii qof uu kuu sheego in aanad Madaxweyne noqon karin sababo la xidhiidha caqiidadaada? Waana taas ta aad aniga igu sameysay.”ayuu yidhi Yusuf Yare oo daba socda hadalka xajiinta iyo cunsuriyada leh ee Siyaasiga u taagan tartan doorashada Madaxweynaha Maraykanka.
qoyska Yuusuf dayuur
Yusuf, waa Wiil yar oo 12-jir ah, isla markaana la nool qoyskiisa Eden Prairie, wuxuuna waxbarasho dugsiga dhexe ka dhigtaa halkaa, wuxuuna noqday mid jawaabtiisu soo jiidatay indhaha rayal caamka bulshada Maraykanka, isagoo u hadlay si la mid ah sida ay siyaasiyiinta kale ugu jawaabeen Mr. Carson.

Wiilka Somalia American-ka ah, ayaa ku dhashay magaalada St.Louis Park, wuxuuna ka hadlay sida uu weligiiba u jeclaa inuu noqdo Madaxweyne laga soo bilaabo markii uu 2 sanadood jiray, “Dhabtii waxaad dhaawacday riyadaydii,”ayuu ku yidhi fariinta uu u diray siyaasiga Carson, “sababtoo ah waxaad tidhi qof Muslim ah Madaxweyne kama noqon karo Maraykanka.”

Yuusuf Dayuur, ayaa tilmaamay in marka laga hadlayo tariikhda Maraynka sanadihii lixdamaadkii iyo toddobaatameeyadii iyo xilligii is addoonsiga ay jireen dad rumaysnaa, ama ku doodi jiray qof madow Madaxweyne kama noqon karo Maraykanka. Laakiin Madaxweyne Obama ayaa jebiyay gidaarkaa, aniga Yusufna waxa aan doonayaa in aan jebiyo gidaar kale.

“Waxaan noqon doonaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee Muslim ah dalka Maraynkan, waxaad arki doontaan marka aan noqdo Madaxweyne inaan tixgeliyo dadka oo dhan caqiido kasta ee ay aaminsan yihiin,midab walba ha lahaadeen diin kasta ha aaminsanaadeen.”

Mr. Ben Carson, wuxuu Axadii Todobaadkii hore waraysi uu siiyay taleefishinka NBC, ku sheegay in aanu aaminsanayn in qof Muslim ah uu Madaxweyne ka noqon karo dalka Maraykanka, balse dhawaaqa siyaasigaa oo ka mid ah musharixiinta Xisbiga Jamhuuriga ee u tartamaya doorashada Madaxweynaha, waxa ka dhashay doodo iyo jawaabo kaga yimi Mujtamaca Islaamka ee Maraykanka iyo bulshooyinka kale, wuxuuna dhawaaqiisu noqday mid si weyn looga cadhoodo.

Hooyada dhashay Wiilka Yar Shukri Abubakar, ayaa sheegtay inay dalka Maraykanka timi markii ay burburtay dawladii Somalia 1992, waxayna xustay in wiilkeeda Yusuf oo ah ka u weyn carruurteeda yahay mid jecel in uu daawado wararka, isla markaana la socdo muuqaalada siyasiyiinta u tartamaya Madaxtinimada dalka Maraykanka iyo weliba siyaasada dalka Soomaaliya oo uu warbaahinta kala socdo.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews