Hargeysa(ANN)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xuska sannad-guurada 28aad ee kasoo wareegtay markii Somaliland lasoo noqotay madax-banaanideeda 18, May 1991, isla markaana ka baxday Midawgii lagu hungoobay ee 26 Jun 1960, ee uu ka dhashay dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyadii Dumuqraadiga Soomaaliya, sannadkan xuskaa la qabanayo xiligiisa oo aan waxba laga bedelin.

 Sanad-guuradii ka horaysay tan, ayaa sidan oo kale kusoo beegantay bisha barakaysan ee Ramadaan, taas oo sababtay in lasoo qadimo xuska, balse Wasiir Maxamed Kaahin, wuxuu sheegay in walaw ay xuska 18 May sannadkan 2019,  ku beegantay bisha barakaysan ee Ramadaan in aan waxba laga bedelin in la qabto maalintaa, iyadoo Somaliland laga dareemyo qaban-qaabada diyaargarawga hawshaa iyo sidoo kale hawlgalo la doonayo in kor loogu qaado dhinaca amaanka, kuwaas oo laga bilaabay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Ciidamadda kala duwan, ayaa maalimihii u danbeeyay gaardis iyo carbis ku jiray si ay xuska munaasibada maalintaa usoo bandhigaan muuqaalo cajiib ah iyo cududa ay leedahay Somaliland oo xiligan ah qaran qaangaadh ah.

Sidoo kale Ciidamadda amaanka, ayaa laga dareemayaa magaalooyinka waaweyn gaar ahaan caasimadda Somaliland ee Hareysa, kuwaas oo si weyn ugu indhaha ugu haya gaadiidka iyo dadka shaaracyada wadooyinka magaalooyinka, waxaana si gaar ah culays dheeraad ah oo dhinaca amaanka ah loo saaray Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaarada dalka iyo xuduudaha laga soo galo ee muhuumka ah ayaa la adkeeyay si ka duwan sidii ay hore ahaayeen, isla markaana waxaa heegan galay ciidamada amaanka, kuwaas oo baadhitaano iyo feteshaad ku samaynaya gaadiidka iyo dadka isaga goosha dalka, kuwa soo gelaya iyo kuwa dhexmaraya magaalooyinka.

Munaasibada 18 May oo sannad walba si weyn looga xuso Somaliland iyo dacalada dunida, waxa jira muuqaalo iyo dhaqdhaqaaqyo saadaalinaya in sannadkan xuska sannad-guurada 28aad ee kasoo wareegtay markii Somaliland dib ula soo laabatay xoriyadeedii 18 May 1991. Kadib shirweynii magaalada Burco ee lagaga dhawaaqay gooni isu taaga Somaliland uu ka duwanaado xusaskii hore.

Xaqiijinta Madaxbanaanida iyo xoriyada Somaliland, waxay ka dhalatay halgan qadhaadh oo ay kaga guulaysteen xoogagii hubaysnaa ee SNM taliskii milateriga ahaa ee Maxamed siyaad Bare oo xukumayay dalwadii Somalia ee ay Somaliland la midawday afar maalmood ka dib markii ay gobinimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Britain 26 Jun 1960.

Magaalooyinka waaweyn waxa muuqda astaamaha lagu xardhay Calanka sadexda midab ee Tawxiidka lagu xardhay oo suuqoodu xaami noqday, isla markaana waxa jira astaamo kale oo lagu shaqlay calanka iyo weedho ka hadlaya munaasibada 18 May iyo qiimaha ay ugu fadhido bulshada maalinta qaranimada Somaliland oo dhalinyarada iyo dadka kale ee caadiga ah durba hore usii qaateen, kuwaas oo ka cabsiqaba in ay marka la gaadho xuska munaasibada waayaan.

Gaadiidka ayaa sidoo kale lagu xardhay astaamaha qaranka Somaliland ee uu ugu horeeyo Calanka sadexda midab leh iyo istiikaro ay ku sawiran yihiin madaxweynayaashii soo maray Somaliland 28kaa sanadood ee ay jirtay, waxa la bilaabay dhawaaqyada heeso wadani ah oo meel walba kusoo dhacaya dhegahaaga, maaha abaabulka iyo diyaargarawgu mid ka yimi xoogag dabada ka riixaya, balse waa mid xamaasadaysan oo qof walba iskii ugu talaalan marka la gaadho maalintaa oo todobaadyada ka horeeya farxada iyo yididiilada laga sii akhrisanayo wejiyada inta baddan bulshadda Somaliland.

Sidoo kale diyaargarawga iyo abaabulka munaasibada 18 May sannadii u danbeeyay waxa Hay’adda Qurba-jooga Somaliland si weyn u abaabushay muwaadiniinta ku dhaqan dalalka dibadda, kuwaas oo kaalin muuqata ka ciyaaray xuska munaasibada, iyadoo sannadkan sidoo kale laga dareemayo shebkaddaha dhinaca internetka ee loo yaqaan Soceil Media, waxaana shebekada Facebook boqolaal kun Somaliland u dhashay oo u badan dadka ku dhaqan daafaha dunidu ku sharaxeen halku dhegyo iyo astaanta Calanka jamhuuriyadda Somaliland oo ay weheliyaan weedho lagu xardhay boodhadh kusoo jiidanaya, kuwaas oo lagu qoray ereyo dareenka iyo shucuurta dadkaa ka turjumaya, isla markaana  ka hadlaya qiimaha ay maalintan 18 May u leedahay bulshada Somaliland iyo sida ay ugu qanacsan yihiin xuska maalintaa iyo in la weyneeyo.

Si kastaba ha ahaatee sanad guurada 28aad ee 18 May, ayaa sannadkan markii labaad kusoo beegantay bisha barakaysan ee Ramadaan, waxayna u muuqtaa mid loo balamay in si weyn xamaasad iyo diyaargaraw la mid ah kuwii hore loo qaban jiray loogu muujiyo tan iyo markii Somaliland dib ula soo noqotay xoriyadeeda 18 May 1991, ee ay ku dhawaaqday in ay tahay qaran madaxbanaan.