Araweelo News Network

Stanbul (ANN)- Dawladda Yuhuudda, ayaa lagu khasbay inay xayiraadda ka qaado marinka Gaza ee ay xoogga ku haysto ee ay dadka Falastiin degan yihiin iyo weliba in Israa’iil bixiso magdhaw dhan $20 milyan oo dollar.
Sidaana waxa sheegay Ra’iisal-wasaaraha dalka Turkiga Binali Yildirim oo shaaciyey heshiis dhexmaray labada dawladood ee Turkiga iyo Isaar’iil oo muddo lix sanno ah cilaaqaadkoodu xumaa, kadib markii ciidammadu Yuhuudu weerar ku qaadeen markab Turkigu lahaa oo mucaawano u siday dadka reer Falastiin sannadkii 2010-kii.
Heshiiskan ayaa dhigaya in Israa’iil bixiso magdhaw dhan $20 milyan oo dollarka Maraykanka ah oo la siinayo qoysaska toban qof oo Turki ku dhimatay weerarka ciidanka Israa’iil ku qaadeen Markabka.
Sidoo kale, heshiiskan ayaa u ogolaanaya Turkiga inuu mucaawano bani’aadanimo gaadhsiiyo marinka Gaza, isla markaana uu halkaas ka dhiso cusbitaal ka kooban 200 sariirood, ka hirgeliyo mashruuc guriyeyn uu u samaynayo shacabka reer Gaza, hase ahaatee waxa shardi ah in dhammaan qalabka lagu fulinayo mashaariicdaasi ay ka soo degaan dekedda Israa’iil ee Ashdod.