Suldaan Abiibakar Wabar

Suldaan Abiibakar Wabar, photo By, Araweelonews.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Boorrama(ANN)Suldaan Abuubakar Wabar oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Gobolka Awadal, ayaa sheegay inay ka noqdeen wixii hadda ka danbeeya ka mid ahaanshaha Somaliland, wuxuuna sheegay in ay la mid noqonayaan gobolada hoos taga Dawlada Federaalka ee Somalia.
Suldaan Wabar oo u muuqday inuu isu beddelay Hoggaamiye kooxeed, wuxuu sidaa ka sheegay Cajalad Veido ah oo lagga duubay meel miyi ah oo u dhow deegaanka Boorama, taas oo lagu baahiyay bogga internetka ee Websiteyada laga leeyahay deegaankaa.
Muuqaalka Suldaanka oo cadho ka muuqatay markii uu ku dhawaaqayay ereyadaa, wuxuu ka sheekeeyay tabashooyin baddan oo ay qabaan dadka Gobolka Awdal, isagoo xusay in dhowaan ay Madaxweynaha Somaliland u yimaadeen Koox Salaadiin Odayaal ka socda deegaankaa oo u gudbiyay Madaxweyne Siilaanyo cabashadooda, balse waxa uu xusay in aan waxba laga qaban oo dhegaha laga furaysatay, sidaa awgeed wuxuu sheegay in aanay ka sii mid ahaanayn Somaliland, isagoo qaylo dhaan u dirtay Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee Kililka Shanaad iyo Dawlada Federaalka Somalia. Sidoo wuxuu ka codsaday Dawlada Djibouti inay ku taageeraan mawqifkooda, isla markaana ilaaliyaan derisnimada iyo xidhiidhka ka dhexeeya.
Sidoo kale wuxuu taxay cabashooyin iyo tacbashooyin tirabaddan oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo ay qabaan dadka deegaanka Awdal, kuwaas oo uu xusay in ay wax garawshiiyo ah uga waayeen Xukuumadda Somaliland ee xiliggan iyo kuwii ka horeeyay. Sidaa awgeed aanay jirin waddo kale oo u furan, isagoo u hanqal taagaya oo u gacan haaddimaya Federaalka Somalia iyo Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee Kililka Shanaad.
Xukuumadda Somaliland, ayaa wax jawaab ah ka bixin dhawaaqa Suldaanka oo u muuqda mid salka ku haya siyaasado iyo afkaar ka dhan ah qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, isla markaana qayb ka ah siyaasadaha la doonayo in lagu bur-buriyo deganaanshaha iyo nidaamka dawliga ah ee Somaliland, kaas oo aanay ka madhnayn faragelintiisa qolooyinka uu Suldaan Weber u gacan haaddinayo Dawlada Federaalka Somalia iyo Maamulka Kililka Shanaad ee Soomaalida Ethiopia.