Hargeysa(ANN)Bahwaynta Suxufiyiinta Gobolada Bariga Iyo Galbeedka Somaliland ayaa cambaareeyay falkii fool-xumada badnaa ee lagula wareegay hogaanka ururka Suxufiyiinta ee SOLJA. Kadib markii koox yar oo ujeedo iyo danno gaar watay qaab tuugo ah u maamusheen shirweynihii Ururka, iyadoo aanay waxba kala socon hoggaankii Ururka iyo bahweynta suxufiyiinta gobolada iyo inta baddan kuwa ku sugan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Qoraal ay soo saareen Suxufiyiinta ka hawlgala gobolada Galbeedka iyo Bariga Somaliland oo si weyn loogu canbaareeyay afduubka kooxdaa yari ku samaysay hoggaankii Ururka SOLJA, ayaa u qoraan sidan:-
“Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,isla markaana cod dheer ku sheegay in anay matelin kooxda Hargeysa iksu caleemo saartay.waxa ay sheegeen in anay jirin cid ku soo wargalisay dhinacooda, isla markaana soo ogaysiisay in uu jro shir SOLJA leedahay oo la qabanayo, meesha lagu qabanayo iyo xiliga la qabanayo, sidaas darteedna ay lamid tahay Afduub, xaqirid iyo duudsi lagu sameeyay saxafiyiinta ka baxsan caasimada Hargeysa,sida Gobolada Galbeedka Gabilay,Awdal Selel.Bariga Sanaad,Sool Iyo Badhan Iyo Buuhoodle oo aanay aqbalayn wixii kasoo baxay shirkaa.
Liiska Saxafiyiinta Gobolada Galbeedka Somaliland.
Wariye Ahmed Diiriye Ciiltire
Wariye Ahmed Faarax Barakaale
Wariye Cabdale Cali Yuusuf
Wariye Cabdi Casiis Ibraahim Cabdilaahi
Wariye Cumar Sheekh Ibraahim Hayne
Wariye Cawaale Cabdi Cumar
Wariye Cabdifataax Bashiir Khaliif
Wariye Maxamed Cabdilaahi Dabshid
Wariye Maxamed Cumar Jaabir
Wariye Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbiyare
Wariye Maxamed Nuur Muuse Bili Bili
Wariye Maxamed Cawaale Rabiile
Wariye Maxamed Cabdi Muuse
Wariye Maxamed Cumar Jarey
Wariye Mawliid Maxamed Muxumed
Wariye Mustafe Cabdirxamaan Caraale
Wariye Nuuradiin Cabdilaahi Dugsiiye
Wariye Nuux Cumar Kadiye
Wariye Sucaad Jaamac Qalinle
Wariye Fadxiya Daahir Cabdi
Wariye Faadumo Xuseen Adan
Wariye Haashim Sheekh Cumar.

Saxafiyiinta Gobolada Bariga Somaliland.

Liiska Saxafiyiinta Bariga Somaliland.

Wariye Abdulahi Husen Darwish
Wariye Barkhadle Maxamud
Wariye Axmed WelI Beeyo
Wariye Abdirsak Haji Axmed

Wariye Cali Adan Dahir
Wariye Yuusuf Cabdi Dheere

Wariye Cabdirisaaq Terra

Wariye Cabdikariin Olol.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com