Dr Abdiweli ICJHague(ANN)Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ, ayaa markii ugu horreysay taariikhda guddoomiye-ku-xigeen loogu doortay garyaqaan Soomaaliyeed oo la yidhaa Dr. Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo ah khabiir ku takhasusay shuruucda caalamiga, kana tirsanaa garsoorayaasha sare ee Maxkamadda ICJ.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Maxkamadda ICJ oo ku taal magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa lagu sheegay in garsoore Ronny oo u dhashay waddanka Faransiiska guddoomiye loo doortay, Guddoomiye-ku-xigeenna Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo u dhashay  Soomaaliya, 6 February 2015, kuwaas oo xilka hoggaaminta Maxkamadda Caddaaladda Adduunka hayn doona saddexda sannadood ee soo socda.
Sidoo kale, doorasho la qabtay 6 November ilaa 17 November 2014 ayaa lagu buuxiyey garsoorayaal shan jago oo ka bannaanaa ICJ. Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda waxay ka kooban tahay 15 garsoore oo kala socda shanta qaaradood ee adduunka, waana Maxkamadda rasmiga ee Qarammada Midoobay, waxaanay ka garnaqda murannada sharci ee dhexmara dawladaha iyo waliba ka-talo-bixinta sharci ee dawladaha caalamku u gudbiyaan.
Haddaba, Dr. Cabdulqawi Axmed Yuusuf ayaa noqonaya qofkii ugu horreeyey taariikhda ee Somali ah oo jago sare ka qabta Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ICJ. Waxa uu ku dhashay magaalada Eyl oo ka tirsan degaannada maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland sannadkii 1948-kii. Waxa uu darajada ugu sarraysa ka gaadhay aqoonta sharciga, isagoo wax ka diyaariyey shuruucda caalamiga ah, waxaannu ka baxay Mac-hadka Aqoonta Sare ee Shuruucda Adduunka oo ku yaal magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Sidoo kale, waxa uu shahaadada sare ee shuruucda caalamiga ah ka qaatay Jaamacadda Florence ee ku taal waddanka Talyaaniga. Waxa uu si buuxda ugu hadlaa afafka Soomaaliga, Carabiga, Ingiriisida, Faransiiska iyo Talyaaniga.
Dr. Cabdulqawi waxa uu hore u soo qabtay shaqooyinka kala duwan intii aannu ku biirin garsoorayaaasha ICJ, waxaannu noqday la taliye sharci iyo agaasimaha xafiiska arrimaha caalamiga iyo shuruucda ee ha’yadda UNESCO oo uu hayey intii u dhexaysay bishii March 2001 ilaa 2009. Waxa kaloo uu noqday kaaliyaha agaasimaha guud ee arrimaha Afrika ee hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan horumarinta ururrada warshadaha ee UNIDO, 1994 ilaa 1998-ki. Sidoo kale, wuxuu noqday ergeyga iyo madaxa xafiiska New York ee hay’adda Qarammada Midoobay ee horumarka iyo ganacsiga ee UNCTAD, 1987 ilaa 1992. Sannadihii 1974 ilaa 1981wuxuu ahaa bare sharci ka noqday Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, halka uu markale macallin ka noqday Jaamacadda Geneva ee dalka Switzerland sannadihii 1981 ilaa 1983-kii. 1975 ilaa 1980 wuxuu ka mid ahaa wefti caalami ah oo ka qaybgalay shir saddex-geesood ahaa oo lagu unkayay sharciga kala xadaynta badaha caalamiga ee Qarammada Midoobay.
Waxa kaloo uu bare ka noqday jaamacado kala duwan oo ku kala yaal dalalka Swizerland, Talyaaniga, Giriigga iyo Faransiiska, halka uu jaamacado kale iyo mac-hadyo caalami ahna ka jeediyey khudbado aqooneed.
Dr. Cabdulqawi Axmed Yuusuf waxa uu aasaase iyo tifaftire ka yahay buugga sannadlaha shuruucda caalamiga ee Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, Dr. Cabdulqawi waxa uu noqday Soomaaligii ugu horreeyey ee xilka labaad ee ugu sarreeya ka qabta Maxkamadda ICG oo uu ka noqday Guddoomiye-ku-xigeen 6 February 2015,waxayna dooraashadiisa xilkaa noqonay mid sumcad usoo hoysa Bulshada Soomalida, maadaama magaca bulshada Soomaalidu rubuc qarnigii u danbeeyay dhulka galay. kadib markii ay Somalia ka bixi weyday dagaalo iyo dhibaatooyin mujtamaca aduunka uga gudbiyay sawir khaldan.
Garyaqaan Cabdiraxmaan Faysal Cali, Hargeysa, Somaliland

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com