2zxD0-yrJ0-1
Xog-ururin cusub oo uu qaaday ururka Traidcraft oo arrimaha ganacsiga ka shaqeeya, ayaa daboolka ka qaadday inay aad u adag tahay waqtigan casriga ah in dadku maalin kaliya joogaan moobil la’aan iyo waliba cabbitaanka kafeega.
Xogtu waxay badka soo dhigtay in tobankii qof lix ka mid ah ay sheegeen in aanay maalin kaliya joogi karin internet la’aan, halka dad tiradaas la mid ah aanay moobil la’aan joogi karin.
Warbixinta xogtan laga soo saaray waxay hoosta ka xarriiqday farqiga u dhexeeya waxyaabaha daruuriyaadka u ah waddamada reer galbeedka iyo dalalka soo koraya oo dadku aad baahi u qabaan korontada, cuntada iyo biyaha.
In ka badan 30% dadka xogta laga qaaday waxay sheegeen in ay subaxii baahi aad u ah u qabaan cabbista kafeega oo aanay la’aantii shaqayn karin, degenaanshana dareemin.
Sidoo kale, dad ka badan 30% oo da’doodu u dheayso 16 ilaa 24 waxay sheegeen in telefoonnadooda casriga ah aanay hal maalin ka maarmin, gaar ahaan dhallinyarada ku dhaqan magaalada London ee caasimadda Ingiriiska, halka rubuc ka mid ah ragga xogta bixiyeyna ay tilmaameen in aanay gaadhi la’aan socon karin.
Xogtan oo sidoo kale laga qaaday Hindiya, bariga Afrika iyo waddamo kale oo soo koraya waxa lagu sheegay in dadku aad ugu xidhan yahay cuntada oo aanay ka maarmin cuntooyinka iyo biyaha.
Marka la eego 70% cuntada adduunka laga soo saaro waxa sameeya dad ka mid ah dadka dunida ugu saboolsan, badankooduna waxay la daala-dhacayaan helista cunto iyo caafimaad.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com