Araweelo News Network

Geneva (ANN)- Farqiga u dhexeeya maalqabeennada iyo dadka fuqurada ah ee adduunka, ayaa aad u sii kordhay sannadkii dhammaaday ee 2017, iyada oo ay hantida dunida guudkeeda taal inteeda badan leeyihiin dad aad u tiro yar sida lagu sheegay warbixin hay’adda Oxfam soo saartay.

Ilaa 82% lacagihii la dhaliyey sannadkii hore ee 2017 adduunka oo dhan, ayaa la sheegay inay gacanta u galeen shaqsiyaad tujaar ah oo 1% ka noqonaya bulshada caalamka, iyaga oo kala-badh dadka fuqarada ahaa aanay jirin haba yaraatee wax u kordhay dhaqaalahooda.

Tiro-koobka cusub oo ay soo saartay hay’adda Oxfam, waxa ay eedda ugu weyn ee farqigaas dusha u saartay nidaamyada dawliga ah oo guuldarraystay, iyada oo dad badan la dhuunteen cashuurihii ay bixin lahaayeen.

Waxa kaloo sida hay’addu sheegtay arrintan ugu wacan saamaynta shirkadaha ganacsigu ku leeyihiin dajinta siyaasadaha dawladaha ee arrimaha bulshada, ku xadgudubka xuquuqda shaqaalaha iyo waxyaabo kale.

“42 shaqsi oo taajiriin ah ayaa haysta hanti ka badan inta ay haystaan kala-badh dadka fuqurada ah ee dunida ku nool, waxaanay tujaartaas tirada yar gacantooda ku jira 82% dhaqaalaha adduunka oo dhan,” ayey tidhi warbixinta Oxfam.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Oxfam Mr. Mark Goldring, ayaa sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin sinaan la’aanta adduunka ka jirta.

Warbixinta hay’adda waxa si rasmi ah loogu shaacin doonaa furitaanka shirweynaha dhaqaalaha adduunka oo ka dhici doona magaalada Davos ee dalka Switzerland horraanta bisha February ee soo socota, kaas oo ay ka qaybgalayaan hoggaamiyeyaal badan oo daafaha caalamka ka kala socda, kana mid yihiin ganacsato waaweyn.

Qodobadda shirka Davos lagaga hadli doono waxa ka mid ah sinnaan la’aanta adduunka ee xagga dhaqaalaha, balse agaasimeGoldring ayaa qaba in aan hadalkaas adag waxba ka tari doonin farqiga sii kordhaya ee u dhexeeya maalqabeennada iyo dadka fuqarada ah ee caalamka ku nool.