Araweelo News Network


Dadka aaminsan Hinduga waxa ay timaha isaga xiiraan cibaado ahaan, balse dadka ku cibaadaysta macbudada caanka ah ee Thiruthani Murugan iyo meelo badan oo Hindiya oo ay malaayiin qof isugu yimaadaan waxa timaha la isaga xiira caafimaad ahaan.
Laakiin, waxa ugu caansan ciid cibaadeedka Hindida ee ka dhacda hoosta buuralayda galbeedka Chennai ee dalka Hindiya oo ay Hindidu ay qabsan jireen qarniyo badan, isla markaana ay u yaqanaan goobta lagu baryo Aalihada ay caabudaan. Ducada ugu badan ee goobtan ay u yimaadaan waa helida nasiib fiican iyo caafimaad. Dadka isugu yimaada dhammaantood waxa ay iska xiiraan timaha, sidaa darteedna waxa ka hawlgala oo ka shaqaysta shirkadaha soo saara timaha la isku qurxiyo.
Dalka Hindiya waxa uu muddo dheer ahaa dalka dhoofiya timaha bani’aadamka ee ugu badan, waxaanna ka soo xarooda ganacsigaas malaayiin doollar ah sannadkiba. Dalka Shiinaha iyo Ruushku waa labada dal ee tartanka kula jira Hindiya.
Dalalka Yurub waa macaamiisha ganacsi ee ugu weyn ee uu dalka Hindiya u dhoofiyo timaha. Sidoo kale Eeshiya, Maraykanka iyo Afrikaba waa suuqyada la geeyo. Waxa jira toban macbud oo waaweyn iyo kuwo yaryar oo Hindiya ku yaala oo timahan laga soo qaado. Sidoo kale, waxa jira dad degaannada miyiga ku nool oo ganacsi ahaan timahooda u bixiya si ay u iibgeeyaan.
Timaha ugu qaalisan waa timaha sida tooska ah looga soo xiiro dadka deeq ahaanta u bixiya, halka kuwa ugu jabana ay yihiin kuwa gafeedhaha ku hadha ee la ururiyo. Mac-budada qaar waxa ay gorgortan la galaan dadka ganacsatada ah ka hor inta aanay dadku cibaado ahaan isaga jarin.