Araweelo News Network

 

Qormada 3aad

Paul Kagame (Rwanda)

  1. Madaxweyne Paul Kagame waxa uu Madaxweynaha Rwanda ahaa ilaa 24 March 2000 kun, taasoo macnaheedu tahay inuu 15 sannadood muddo ku dhaw ahaa Madaxweyne. Waxa uu ka dhashay qoys Tutsi ah oo asal ahaan ku dhaqan Koonfurta Rwanda. Qoyskiisu waxa ay Uganda u qaxeen markii kacaankii Rwanda bilaabmay, isagoo waqtigaas ahaa laba jir. Carruurnimadiisii wuxuu ku qaatay dalka Uganda.

Dugisii hoose waxa uu ka bilaabay xero qaxoonti, isagoo uga sii gudbay dugsiga la yidhaa Ntare School, balse waxa laga eryey dugsiga, kadib markii dabeecad xumo uu la soo baxay, qof kasta oo la hadlana uu la dagaalamay, gaar ahaan qof kasta oo wax xun ka sheega dalka Rwanda. Aakhirkii waxa uu dugsiga sare ka dhamaystay dugsi la yidhaa Old Kampala Secondary School, balse waligii tacliin sare iyo wax u dhaw toona ma uu helin.

Madaxweyne Kagame taariikh ahaan waxa uu dhashay 23 October 1957-kii, waana ilmaha ugu yar lix carruur ah oo qoyskoodu ka kooban yahay. Magaalada amma tuulada uu ku dhashay waa Tambwe oo ku taala Gobolka Koonfureed. Aabbihii qoys ahaan waxa uu ka soo jeeda qooyska la yidhaa Deogratias oo ka mid ah jilib Tutsi ah oo asal ahaan saldalada amma boqorkii la odhan jiray Mutara III uu ka dhashay, balse waxa uu aabbihii doortay inuu ganacsi uu leeyahay wato, halka uu ak mid noqon lahaa maamulka boqortooyada.

Sidoo kale, Kagame hooyadii ASteria Rutagambwa waaxa ay ka mid tahay Tutsi, gaar ahaan waxa ay ka soo jeeda qoyskii ugu dambeeyey ee boqoradii Rwanda ee la odhan jiray Rosalie Gaicanda. Waqtigii uu Kagame dhashay Rwanda waxa ay ahayd dalk uu Qaramada Midoobay dusha ka ilaaliyo (United Nations trust Territory), kadib markii muddo badan uu gumaysanaayey dalka Belgium oo wali xukun ku sii leh.

Intii dambe waxa uu Kagame dalkiisa u soo booqan jiray si joogto ah, balse dhuumasho leh, maadaama Tutsi la qabqabanaayey, lana xidhaayey, balse intaasba waxa uu ku hamiyaayey inuu noqdo Madaxweyne amma hoggaamiye dalkiisa horumariya.

Mohamed Ould Abdel Aziz (Mauritania)

  1. Mohamed Ould Abdel Aziz waa Madaxweyna Mauritania. Waxa xilka loo dhaariyey 5 August 2009-kii, inkastoo aanay tacliin sare helin, balse waxa uu waxbarasho ka helay dugsigii ciidammada ee Royal Military Academy ee dalka Morocco. Waxa uu rikoodh fiican ka haystaa millateriga Mauritania, aqoon ahaana dhinaca ciidammada waa nin ka dhisan.

Madaxweyne Mohamed Ould waxa uu ku dhashay magaalada Akjoujt markii ay taariikhdu ahayd 20 December 1956kii. Inkastoo aanay aqoon jaamacadeed lahayn, haddana  waxa uu ahaa khabiir millateri, waxa lagu xusuustaa inuu door laxaad leh ku lahaa  joojinta isku daygii afgambi ee June 2003 la damacsanaa in xilka lagaga tuuro madaxweynihii Mauritanie (Muritaaniya) ee waqtigaas, waxa kale oo uu hormood ka ahaa xubno ka hortagay kacdoonkii millateri ee dalkaas ka dhacay August 2004, taasina waxa ay u fududaysay in la siiyo abaalmarin ta ugu sarraysa ee la siiyo ciidammada millateriga Mauritania (Mauritania’s highest military award), maadaama uu ka hortagay kacdoonadaas. Arrimahana waa kuwa u saamaxay in madaxweynenimada loo doorto.