Warbixin: By Carraale M jaamac, Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Riyadh(ANN)-Shabakadda Twitter-ka ayaa masaxday oo gebi ahaanba meesha ka saartay 94,000 oo ahaa Akoono lala xidhiidhiyay inay basaasiin u ahaayeen dawladda Boqortooyada Sacuudiga, Twitter ayaa tallaabadan qaaday, kadib Toddobaadyo markii masuuliyiinta Mareykanka ay dacwad basaasnimo ah u gudbiyeen seddex muwaadin oo u dhashay Sacuudiga, kuwaas oo xogtooda shakhsiyadeed ay ka codaseen inay usoo gudbiso shabakadda Twitter-ka.

Twitter ayaa ku dhawaaqday joojinta Akoonnada dhammaan jimcihii, iyaga oo sheegay in kaliya lagu xidhiidhiyay shirkad la tuhunsan yahay oo qabata “hawlgal warbaahineed oo muhiim ah oo ay dowladdu taageerto” taasoo asal ahaan ka soo jeeda dalka Sucuudiga.

Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Twitter, waxay magacaawday inay dhinaca Internetka kasoo gasho shirkad ka shaqaysa, ama qaabilsan suuq-geynta warbaahinta bulshada ee Riyadh oo magaceedu yahay Smaat, taas oo ay sheegeen inay xidhiidh dhow la leedahay dhowr xubnood oo sar-sare oo Sucuudiga ah iyo wargeysyada ka soo baxa dalkaa.

Shirkadda magaceedu yahay Smaat waxaa maamula Ahmed Aljbreen, sida laga soo xigtay Akoonkiisa ‘LinkedIn’ iyo Aaladaha kale ee warbaahinta bulshada. Dacwada FBI, oo la shaaciyay bishii November ee sannadkan 2019, ayaa lagu sheegay in ninkaas Ahmed Aljbreen uu maamulo shirkadda Smaat ee qaabilsan suuq geynaysa warbaahinta bulshada Sacuudiga, taasoo u shaqeysa qoyska Boqortooyada.


Shabakadda witter iyo Waaxda Caddaaladda ayaa ka gaabsaday inay sheegaan in labadooda loo gudbiyo isla qofkaas iyo in kale iyo in ilo-wareedyo kale oo laga helay Federaalka oo arrinta la socday ay sheegeen in go’aanka lagu xidhay Akoonada ay tahay fulinta sharciga Mareykanka.


Dhinaca kale, waxa soo baxday in Ninka magaciisu yahay Aljbreen, oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Almutairi, aanu wax jawaab ah ka bixin arrintaa.


Kiiska basaasnimada wuxuu farta ku fiiqay ficil aan caadi ahayn oo dawladda Saudi Arabia, oo xulafo la ah Mareykanka, wuxuuna iftiin aan caadi ahayn ku soo rogay dhaqannada ay adeegsato Twitterka si loo ilaaliyo xogta shaqsiyaadka adeegsada iyo shirkaddaha.


Aljbreen, ayaa lagu eedeeyey inuu u dhaqmay sidii maslaxad u ahayd saraakiishii Sacuudiga iyo isagoo adeegsaday baraha iyo ciwaanada laba qof oo hore uga shaqayn jiray barta Twitter-ka kuwaas oo jagooyinkooda u adeegsanayay helitaanka ciwaannada Email-ka, lambarrada Taleefannada, cinwaannada iyo Aqoonsiga internetka ee dhaleecaynta dowladda.


Twitter-ka wuxuu ka bartay marin-u-helka sharci darrada ah dabayaaqadii 2015, sida laga soo xigtay cabashada dalka Mareykanka. Afhayeen u hadlay Twitter-ka ayaa diiday inuu ka hadlo Jimcihii sababta ay shirkaddu ula socon weyday howlihii iyo macluumaadka Smaat, wixii ka horeeyay xilligan.


Boggiisa internet-ka Twitter-ku wuxuu ku sheegay Jimcihii inay masaxeen illaa 5,929 Akoon, kuwaas oo bartilmaameedsaday doodaha ku saabsan dalka Sucuudiga ee doonaya inay sii hormariyaan danaha Istiraatiijiyadeed iyo Juquraafi ahaan ee Boqortooyada, iyagoo sheegay inay ku xadgudbeen maareynta siyaasadaha oo ay abuureen khalkhalgelinta masraxa siyaasada dalka”. sida ay sheegtay Twitter.


“qaybta ugu weyn ee shabakad ballaadhan oo ka badan 88,000 Akoon, kuwaas oo isku xidhan, isla markaana ku xidhan Twitter-ka lagu sheegay inay ahaayeen kuwo lagu xoojinayay Fariimaha mas’uuliyiinta Sucuudiga, isla marakana dib loogu celinayay, ama lagaga jawaab celinayay, iyada oo loo marayo qaab jaahilnimo ah oo ah jawaab celino dagaal ah.” sidaa awgeed ayay si joogta ah u joojisay Twitter dhammaan Akoonnadii, waxayna shaaca ka qaadday xogta aasaasiga ah, iyo sidoo kale wakiilka ku magcawnaa shabakadda weyn, walaw aanay arrintan ka hadlin ilaa hada masuuliyiinta dawladda Sucuudigu.

Twitter-ka ayaa sheegay in baadhitaankooda uu ku raad joogo howliho ay sheegeen inay ahaayeen kuwo ahaa abuurka ee shirkadda Smaat, kaasoo ay ku sheegtay inay maamulaysay Akoonno badan oo loogu magac daray “shaqsiyaad magac sare leh” iyo waaxaha dowladda Sucuudiga.


Shirkadda sidatay magaca ‘Smaat’, oo aan hadda ku jirin khadka tooska ah. laakiin lagu arki karo Website-ka dhinaca Kaydka ee (Internet Archive), ayaa tusay macaamiisha ay ka mid yihiin ” maalgashayaasha mustaqbalka, shir sanadle ah oo ay soo qabanqaabiyeen qoyska Boqortooyada, kaas oo ay sheegtay inuu yahay mid lagu xoojinayo hadafka Boqortooyada Maxamed bin Salmaan ee soo jiidashada maalgashiga shisheeye.