Sacuudiga Basma Khalifa
Basma Khalifa

Basma Khalifa, oo 29 sano jir ah, waxay ku laabatay halkii ay ku dhalatay si ay u aragto haddii ay halkaasi ku noolaan karto, balse hal tallaabo oo khaldan oo aad qaaddo waxay la micno tahay inaadan mar kale ku laaban Karin.

Bishii Oktoobar ee sannadkii 2018-kii waxaa la ii sheegay inaan iskaga tago Sacuudi Carabiya, dalka aan ku dhashay iyo meesha aan filayay inay tahay inaan ku laabto oo aan nolal ka bilaabo. Waxaa la i maqlay aniga oo ka sheekeynaya warbixin ku saabsan haweeney u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadamaha oo lagu xidhay Sacuudiga, halkaas oo aan ku duubayay barnaamij ay BBC leedahay oo ku saabsanaa damacayga ah inaan halkaasi dego.

Waxaan ku qasbanaaday inaan dalkaasi iskaga tago si deg deg ah, waxaana la ii sheegay inaan ku gefay boqortooyada.

Waqtigaas, waxa keliya ee aan dareemay wuxuu ahaa amakaag. Waxa keliya ee aan sameeyay waa inaan akhriyay warbixin – waxaan u maleynayay in la ii digi doono oo la ii sheegi doono inaanan mar dambe ka hadlin haweenkaas u ololeynayay in haweenka la siiyo xaqa ay u leeyihiin inay gaadhi kexeeyaan.

Kaddib walwal iyo cabsi ayaa i gashay. Waxaan bilaabay inaan nafteyda ka shakiyo; malaha waxaan sameeyay wax aad u xun. Si deg deg ah ayay wax walba u dheceen, ma haysanin waqti aan ku fekero.

Haddii aan ku dhiirran lahaa inaan joogo, waxay xayiri lahaayeen dal ku galkeyga. Waxaan duullimaad u kireystay garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport, isla maalintiina waan imid.

Waxaa ka soo wareegatay 25 sanno markii ugu dambeysay ee aan Sacuudiga joogay anniga oo carruur ah. Markii aan ku laabtay sannadkii hore, waxaan la yaabay sida ay u dhisantay – xeebaha, dhismooyinka laga dukaameysto iyo maqaaxiyo heer sare ah. Intii aan ku guda jiray lixdii maalmood ee aan joogay Sacuudiga, roob badan ayaa da`ay, wax dhif ah ayay ahayd waxaana ku kaftannay inaan anniga roobka kala imid London.

Basma oo carruur ah iyo waaliddiinteeda.
Basma oo carruur ah iyo waaliddiinteeda

Wax badan kama xusuusan boqortooyada. Waxaan halkaas ku dhashay sanadkii 1989 waxaana magaalada caasimadda ah ee Riyadh kula noolaa waaliddiinteyda Suudaaniyiinta ahaa. Labadayda Waalid waxay ku kulmeen jaamacad ku taalla Masar, waxayna soo degeen Sacuudiga markii aabbahay, oo dhaqtar ahaa, uu halkaasi shaqo ka helay. Sannado yar kaddib, waxaa loo beddelay Waqooyiga Ireland – mar kale ayaan soo guurnay. Saddex sanno ayaan jiray xiligaa.

Safarradeyda intaas kuma ekeyn. Waxaan ku sugneyn Waqooyiga Ireland ila aan ka gaadhay da`da 13 sanno, kaddib waxaan u wareegnay Scotland halkaas oo aan ku noolaa ilaa aan 20 sanno ka gaadhay. Waxaan aaday New York muddo lix bilood ah si aan uga shaqeeyo xayeysiinta dharka, markaan 21 sanno jirsaday, waxaan kaddib u guurnay London waxaana noqday qof dharka xayeysiisa.

Markaad meelo badan soo aragto, ma dareemeysid halka uu gurigaaga yahay. Taasi habaar iyo duco labadaba way noqon kartaa; meel walba gurigaaga waad ka dhigi kartaa, amma meel gurigaaga ah ma jireyso. Anniga waxaan la qabsaday inaan safro oo aan la qabsado dadka iyo xaaladaha cusub. Hadda saaxiibbo badan ayaan dunida ku leeyahay.

 Basma oo ku sii jeedda Jeddah Sacuudiga
Basma oo ku sii jeedda Jeddah Sacuudiga

Marna ma doonayn inaan u safro Bariga Dhexe oo aan sameeyo wax halis i gelinaya. Ujeeddadeydu waxay ahayd inaan arko haddii aan ku noolaan karo Sacuudiga anigoo ah gabadh da`a, yar oo leh dhaqamada Galbeedka iyo Carabta. Waxaan doonayay inaan sameeyo waxyaabaha caadiga ah sida inaan soo dukaameysto oo aan saaxiibbadeyda la kulmo. Hadda Sacuudiga wuu ka qaaday xayiradda saarneyd haweenka inay gawaadhida kexeeyaan, waxaan doonayay inaan ka faa`iideysto xorriyaddan cusub.

Dabcan, waan ogaa in halkaasi xaaladdeedu ay ka duwan tahay meelaha kale, in haweenku ay xorriyad yar haystaan. Tusaale ahaan, haweenku kama bixi karaan dalka ilaa ay oggolaansho ka haystaan qof rag ah, ma yeelan karaan akoon bangi, iyagoo aan oggolaasho haysan, waxayna maqaaxiyaha ka fadhiistaan meelo u gaar ah.

Iyadoo ay jiraan xayiradaahaas, dalku isbeddel ayuu sameynayaa. Haweenku iyagoo aan xijaab xidhneyn ayay socon karaan shaqooyinka ay doonaana way qaban karaan.

Wax yar ka hor inta aynaan ka tegin UK bishii October sanadkii hore, waxaan wax ka ogaa qaabka uu Sacuudigu ula dhaqmo kuwa ay is hayaan. 2-dii October, waxaa soo baxday in Jamal Khashoggi, oo ahaa weriye u dhashay Sacuudiga, lagu la`yahay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Mar dambe, waxaa caddaatay in la dilay.

 Jamaal Khashoggi
Jamaal Khashoggi

Iyadoo uu jiray kiiskaasi, kama baqeynin. Sacuudiga uguma socon inaan ahay weriye, waxaan duubayay muuqaal iyo inaan booqdo qoyskeyga. Weli, markii aan caga dhigtay magaalada Jeddah oo ay ii bilaabatay booqashadeydii labada toddobaad ahayd, waxaan ku fekeray, “Maxaan sameeyay?” balse markii aan la kulmay saddex ka tirsan eeddooyinkey waxaan dareemay ammaan.

Waxaa sidoo kale nala socday koox Sacuudiga u dhashay – darawal, caawiye muuqaal duubaha, iyo labo kale oo howsha nala fududeynayay. Inkastoo ninkii kormeeraha ahaa ee nalagu daray aannu aad noo daba geli jirin haddana inuu nala socdo aad bey noo dhibeysay.

Kooxdii nala shaqeyneysay ayaa dabeecaadahayaga beddeshay. Waxay noo sheegeen inaan xidhanno cabaayado waxayna igu canaanteen inaan ku ciyaaray muusig markaan gaadhiga ka degnay, iyadoo aanay bannaaneyn in meelaha shaaraca ah lagu ciyaaro.

Basma oo cabaayad iibsaneysa Sacuudiga
Basma oo cabaayad iibsaneysa Sacuudiga

Lama yaabin waxa dhacaya. Waan ogaa in Sacuudiga dhexdiisa haddii aad sharciga ka hor timaaddo aad ku mudaneyso xabsi, balse mid ka mid ah dadkii nala shaqeynayay oo i maqlay ayaa cadhooday. Wuxuu dareemay inaan cambaareynayo boqortooyada.

Inta aanan ogaanba, waxaa la wacay kooxdii aan la shaqeynayay ee UK joogay. Waan yaabay waana baqay, sababtoo ah ma dooneyn inaan qofna dareenkiisa dhaawaco. Waxa keliya ee aan sameeyay waa inaan akhriyay warbixin, cad oo dunida saaran oo ii sheegtay inay taasi khalad ka tahay Sacuudiga gudihiisa ma jirto .

Tifaftirahayga ku sugan UK, ayaa isoo wacay wuxuuna ii sheegay inaan si degdeg ah uga soo tagno Sacuudiga. Keliya lix maalmood ayaan boqortooyada joogay waxaana ii yallay wax badan oo aan sii qorsheystay.

Sacuudiga

Uma maleyneyn in la i xdhi doono – anigoo ilmeynaya ayaan macsalaameeyay eeddooyinkey waxaana u kacay dhanka garoonka, anigoo ka niyad jabsan inaan dalka ka baxo.

Markii aan gaadhay Heathrow, waxaan dareemay inaan mar kale neefsan karo oo aanan joogin boqortooyada. Weligey hore uma dareemin farxad ka badan inaan ahay muwaadin u dhashay UK oo xor ah. Marna taas ma beddeli doono.

Basma waxaa lagula taliyay inay joojiso duubidda muuqaalka Sacuudiga oo ay ku laabato UK
Basma waxaa lagula taliyay inay joojiso duubidda muuqaalka Sacuudiga oo ay ku laabato UK

u maleynmaayo inaan ku saxsanaa fekerka ah inaan ku noolaan karo Sacuudiga, balse hadda waan ogahay innaanu mar dambe dalkeyga noqon doonin. Waxaan doonayaa inaan nolosheyda sidaan doono ugu noolaado maa filayo inaan taas ku sameyn karo halkaas, gaar ahaan inaan ahay haween. Waxaan dareemayaa in haweenka Sacuudiga ku nool ay wax badan u qalmaan, sida inay dowladdooda ka helaan xuquuq la siman tan ragga, xorriyad badan iyo in la aamino.

Marka laga yimaado wixii igu dhacay intaan Sacuudiga joogay, mustaqbalka wax wanaagsan ayaan u rajeynayaa.

Maqaalkan waxan kasoo xiganay BBC