Araweelo News Network

kofeegaKafeega ayaa laga cabsi qabaa inuu ka cidhib-tirmo guud ahaan caalamka, lana waayo marka la gaadho sannadka 2080-ka haddii Ilaahay yidhaa, arrintaas oo sabab looga dhigayo cilmilada is-dhalan rogaysa.
Sida lagu daabacay wargeyska Independent oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa kale oo la saadaalinayaa in beeraha amma dhul-bereedka laga soo saaro kafeegu ay kala badh meesha ka baxaan sannadka 2050-ka, maadaama heer-kulka iyo cayayaanka beeraha cunaa kordhayaan.
Inkastoo Alle og ahay waxa mustaqbalka dhici doona, haddana waxa warbixin uu soo saaray mac-hadka darasaadka cilmilada (The Climate Institute) lagu sheegay in kafeega meesha ka baxi doona uu saamayn ku yeelan doono 120 milyan oo qof adduunka oo noloshoodu ku xidhan tahay midhaha kafeega. In ka badan 70 dal oo ay ku jiraan Tansaniya, Burundi iyo Itoobiya waxa ay isku halleeyaan, inta badanna dhaqaalahoodu ku xidhan tahay kafeega, taasina waxay keeni doontaa in dhaqaale burbur ku yimaad mustaqbalka dalalkaas.
Cilmilada kululaanaysa iyo dhelan-gediskeeduba waxay keeni doonaan in meesha ay ka baxaan dhir badan oo adduunka faa’iidu u leh, sida lagu sheegay warbixinta mac-hadkan.
“Aad iyo aad ayaa cimilada dhacdooyinka ku lammaan ay yarayn doonaan soo saarista kafeega, dunidana la waayi doona kafee loo dhoofiyo, waxaanay xaaladda kulaylka ah keeni doontaa wax badan in la waayo,” ayey tidhi warbixintu.
Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in la rajaynayo hoos ugu dhac weyn oo ku yimaad kafeega laga soo saaro dalalka Bariga Afrika (Kenya, Uganda, Tansaniya iyo Itoobiya) maadaama cimilada degaannadan sii xumaanayso, kulaylo badan, cayayaan iyo xannuuno badan soo waajahi doonaan dalalkan waqtiyada soo socda, inkastoo qaddarku qoran yahay.