jihadi johnShakhsiga reer galbeedku ugu daydayga iyo raadinta badan yahay waqtigan ee caanka ku ah magaca Jihadi John oo toddobaadkan la ogaaday shakhsiyadiisa, magaciisa iyo qoyskiisaba, lana sheegay inuu ahaa shakhsi amma arday ku astaysan akhlaaq wanaag, naxariis iyo miskiinimo dhab ah, ayaa bedka la soo dhigay in sirdoonka MI5 iyo hay’adda dambi-baadhista Ingiriisku ku kelifeen inuu noqdo qof xalaashada dhiigga cid kasta oo uu u arko reer galbeed amma gacantiisa soo gasha, kuna biiro kooxda loogu hadalhaynta badan yahay waqtigan ee Daacis amma ISIS la yidhaa.
Ninka lagu magacaabo Jihadi John waxa uu dalka Ingiriiska soo galay isagoo 6 jir ah, waxaannu ku dhashay dalka Kuwait, iyadoo magaciisa dhabta ah yahay Maxamed Emmwazi. Waxa uu la socday aabbihii oo aad u jeclaystay nolosha Ingiriiska.
Sida lagu sheegay warbixinno kala duwan oo laga diyaariyey ninkaas, waxa dadka jaarka la ahaa ku xasuustaan in xilligii uu yaraa ahaa wiil farxad badan oo dariiqyada galbeedka London dhallinyarada faciisa ah kubbadda kula ciyaara, aadna u taageera kooxda Manchester United, iyadoo dadka ay dariska ahaayeen sheegeen inuu ahaa wiil aamusan, hadalkiisuna aanu badnayn, waxbarashada ku dedaala, gaar ahaan xagga aqoonta aad looga yaqaanay dugsi la yidhaa Church of England School oo ah dugsi kiniiseedeed, waxaannu ahaa ardayga kaliya ee ka muslimka ah fasalkiisa.
Wiilkan uu dhalay darawalka Kuwaytiga ah amma Emwazi yare waxa uu Ingiriiska yimi isagoo yaqaan ama ku hadla dhawr kelmadood oo luuqadda Ingiriisiga ah, balse aad u xiiseeya kubbaddda cagta, inta badana waxa uu qoyskooda oo luuqadda Carabiga ku wadahadli jiray u raaci jiray masaajidka, inkastoo uu isagu xidhan jiray dharka reer galbeedka, caana ka ahaa fasalkiisa.
Arday ay isku fasal ahaayeen oo ka warramay noloshiisa, ayaa aad u yaabay, aadna uga naxay in wiilkii yaraa ee ay ku yaqaaneen eedaabta iyo degenaanta badan uu noqday ninka loogu daydayga badan yahay adduunka xilligan, waxayna ardaydaasi sheegeen in waqtigii uu 10 jirka ahaa, dhigana jiray dugsiga uu aad u jeclaa ciyaar kombuyuutarka ah oo la yidhaa “Duke Nukem” oo macnaheedu yahay “Waqtigii la dili lahaa.” Aadna uu u akhriyi jiray buug la yidhaa ‘How to Kill A Monster” (Sida loo dilo kuwa xun).
Waxa kale oo ay intaa ku dareen in marka macallimiintu ardayda waydiiyaan qof kasta wuxuu doonayo inuu noqdo uu ku jawaabi jiray; “Waxa aan doonayaa in aan koox kubbadda cagta ah u ciyaaro, goolal badana dhaliyo.”
Sidoo kale, ninkan dhinaca gawraca u qaabilsan kooxda Daacish ama ISIS ee la yidhaa Emwazi (Jihadi John), ayaa la sheegay in xilligii uu da’da yaraa aad u jeclaa midabka Buluugga, xayawaankana wuxuu ka heli jiray daanyeerka, filim kartoonka wuxuu aad u daawan jiray mid la yidhaa The Simpsons, cuntada wuxuu aad uga heli jiray baradhada shiillan (Chips), balse hadda arrintiisu waxay isku beddeshay inuu jecelyahay sida dadka loo gawraco, qoortana looga gooyo.
Nolosha uu hadda ku jiro ee ah gawraca iyo dhiigga inuu xalaashado waxay aad uga fog tahay ardaygii yaraa ee aadka u jeclaa kubbadda cagta ee qoyskiisa sannadkii 1993-kii u raacay Ingiriiska, markii ay ka guureen dalka Kuwayt, kuwaasoo markii ay Ingiriiska tageen la siiyey guri bangalo ah oo ku yaal galbeedka London, waxaannu markiiba aabbihii helay shaqo darawalnimo ah, halka hooyadii guriga joogi jirtay oo ay hayn jirtay Maxamed Emwazi iyo laba hablood oo ka yar yar oo hadda ah 25 jir iyo 23 jir.
Intii qoykoodu degenaa dalka Ingiriiska waxa u dhashay saddex carruur ah, waxaanay waalidkood maalin kasta ubadkooda ka soo kaxayn jireen dugsiga, qoyskiisana ilaa hadda lama magacaabin si loo ilaaliyo noloshooda, inkastoo saxaafadda Ingiriiska qaarkood faafisay in qoyskaasi ka qaxeen goobtii ay kaga noolaayeen magaalada London, kuwaasoo ka cabsi qaba in lagula kaco falal aargudasho ah.
Mid ka mid ah ardayda ay isku fasalka ahaayeen ayaa sheegay in Emwazi ay inta badan is dagaali jireen guddiga dugsiga oo dhaqankiisa ay weerar ku hayeen, balse uu ahaa nin aad ugu adag diintiisa oo aan ogolayn in faraha lala soo galo.
“Waxa aanu dhiganaynay dugsiga Church of England School, waxaannu ahaa ardayga kaliya ee fasalkayaga Muslimka ka ah. Marar aanu casharada ka hadlaynay, inta uu istaago ayuu ka hadli jiray diintiisa. Sabuuradda waxa uu ku qori jiray luuqadda Carabiga si uu noo tuso caynka ay u eeg tahay iyo sida ay dhinaca kale uga soo qormayso. Waxa uu na tusi jiray qoraalo diintiisa ku saabsan, waxaannu nooga warrami jiray arrimo diinta ku saabsan. Waxa ay ahayd waqti aannu 8 jir ahayn. Waxa uu noo sheegi jiray soonka. Luuqadiisa Ingiriisigu aad umay wanaagsanayn markii uu dugsiga hoose ahaa. Waxa uu ku hadli jiray kelmado yar magaciisa iyo halka uu ka yimi,” ayuu yidhi mid ka mid ah ardaydii ay isku fasalka ahaayeen dugsigii hoose.
Ardaydu waxay intaa ku dareen inuu xilliga qadada ciyaari jiray kubbadda iyo waliba galabtii, iyagoo xusay inuu ahaa nin aan tacliinta ku fiicnayn, balse xagga kubbadda ciyaaristiisa ahaa qofka ugu horreeya.
Mr. Jihadi John, markii dugsigii hoose uu dhammaystay sannadkii 1999-kii waxa uu u wareegay kulliyadda a yidhaa Quintin Kynaston Cummunity Academy oo ku taal degaanka St John’s Wood ee London, halkaasoo uu fasal la ahaa qareen la odhan jiray X Factor iyo haweenayda heesaaga ah ee caanka ku ah heesaha kulul ee la yidhaa Tulisa Contosstavlos.
Intii uu waxbarashada kulliyadan ku jiray waxa ku dheganaa cibaada iyo adkaynta diinta Islaamka, waxaannu bilaabay xidhashada dharka dhaqanka islaamka u ah, halka hablaha ay walaalaha yihiin laftoodu xidhashada xijaabka bilaabeen, taasoo muujinaysa inay ahaayeen qoys ku dhegen diintooda islaamka.
Mid ka mid ah hablahooda ka yaraa oo hadda ah 19 jir waxay ahayd mid waxbarashada aad ugu fiican, halka macallinkii isaga waqtigaas u dhigayeyna sheegay inuu ahaa arday karaamo badan, dedaal iyo waxqabad jecel oo aan ka daalin wax kasta oo loo diro.
Dabeecadii lagu yaqaanay waxay is beddesshay waxyar kadib, markii uu waxbarasho ka helay Jaamacadda Westminister ee London, sababtoo ah Jaamacadaas waxa lagu xidhiidhinayey inay ku jiraan xubno xag-jirnimo loo haystay, iyadoo hay’adaha ammaanka uu ula muuqday in Emwazi, haddana la yidhaah Jihadi John uu gacanta u galay rag jihad-doon ah, sababtoo ah waxa laga shakiyey markii la ogaaday inuu masaajido kala duwan ku tukado salaada, gaar ahaan waxa lagu arkay isagoo la socda sheekh la odhan jiray Bilal El Berjawi oo saddex sanno ka hor diyaaradaha qumaatiga u kaca lagu dilay isagoo jooga dalka Soomaaliya… la soco…
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews