Araweelo News Network

Prof. Dhiya ur-Rahman Azmi oo caan ku ah halganka iyo dedaalka uu u galay cilmi-xadiiska fidintiisa, waxa uu ka mid noqday culimada waqtigan casriga ah Islaamka ugu caansan, balse taariikhdiisii hore waxay ahayd mid mugdi badan ku xeernaa oo Alle ka soo saaray.
Waqti kasta waxa aynu maqalnaa qisooyinka dad Diinta Islaamka qaatay, balse waxa jira ka soo baxa mugdi awoowayaashood dhaxal ahaan uga tegeen, uguna tilmaameen in ay ahayd diin, kadibna u soo baxay iftiinka Islaamnimada, kadibna Muslimka dhexdiisa ku yeeshay saamayn aad u qiimo badan oo xagga cilmiga ah.
Dad badan baa wax ka qora culimo kala duwan oo markay Islaamka u soo digo rogteen soo kordhiyey waxyaabo aad u qiimo badan, dagaalna u galay in ay dad badan sababtooda ku soo Muslimaan.
Prof. Dhiya ur-Rahman Azmi waxa uu cilmiga Xadiiska u gelay dedaal sidii uu u bari lahaa dhallinyaro badan, taariikhda Islaamkuna meel fiican u gaadhi lahayd..
Aqoonyahankan waxa taariikhdiisii hore ee aan Islaamnimada ahayn loo yaqaanay Banke Laal. Waxa uu dhashay annadkii 1943kii. Asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa qoys Hindu ah oo ku dhaqnaa tuulo la yidhaa Balarya Ganj oo ka tirsanayd degmada Asamgarh ee dalka Hindiya.
Waxa uu diinta islaamka baadhitaan ku sameeyey, qaatayna markuu 18 jir ahaa, kadib markii uu aad ugu qancay hannaanka caddaaladda iyo sinnaanta (Equality and justice) Islaamku u binneeyey. Arrintan kaligii kuma aha oo aragtidan waxa ay jidka toosan ku oo riday kumanaan dhadhamiyey xaqiiqada iyo toosnaanta Diinta Islaamka.
Marka la joogo dalka Hindiya, waxa dadku inta badan qaataa barnaamij loo yaqaan Ghar Wapsi, taasoo ay u adeegaan ururka Indian Hindu Organization, kuwaasoo inta badan ku qanciya dadka aan Hindus ahayn in ay qaataan Hinduism. Waxa ay lacag siiyaan qof kasta oo ay ku qanciyaan inuu fikirkiisa qaato, balse in qof loogu baaqo Alle inuu caabudo waxa amar Alle ka yimi, cidna lacag laguma siiyo. Haddii aad doonayso in qofku Muslim noqdo waxa ay u baahan tahay inuu fahmo farriimaha dhabta ah ee diinta Islaamku gudbinayso, cid kuma qasabto, lacagna kuma bixiso.
Banke Laal waxa gacanta ku dhigay imaan la odhan jiray Hakeem Ayuub oo baray aqoonta iyo culuumta Islaamka, taasoo aakhirkii Banke Laal u beddeshay inuu gaadho darajada Dhiya ur-Rahman Azmi, Madaxna ka noqdo Kulliyadda Xadiisyada ee Jaamacadda Caanka ah ee Islamic University of Madinah.
Dedaalka uu gaadhsiiyey ardaydii Jaamacadaas wax ka dhigan jirtay waxa ay Dhiya ur-Rahman Azmi u saamaxay inuu loo magacaabo inuu macallin ka noqdo Masaajidka Nebiga Muxamed (NNKHA) sannadkii 2013, kaasoo arday badan ka aflaxeen.
Waxa uu hadda noqday nin caan ah oo aad loo jecelyahay, culuumta uu dhigaana ay saamayn badan ku dhex yeelato dunida Islaamka.
Haddaan, milicsano aqoonta Prof. Azmi, waxa uu shahaadada koowaad ka qaatay Jaamacadda Islamic University of Madinah oo culuumta Xadiiska ka aflaxay. Waxa uu noqday qofkii ugu horreeyey ee Hindu ah ee Muslin noqda ee Jaamacadda Madinah loo ogolaado inuu galo.
Halkaas kagama uu hadhin ee waxa uu shahaadada darajada labaad (Master Degree) ka qaatay Jaamacadda King Abdul Aziz University oo ku taal magaalada Makkah (Jaamacaddan waxa aakhirkii loo bixiyey Umm al-Qura University).
Si uu culuumtiisa iyo aqoontiisa u sii kordhiyo waxa uu shahaadada sare ee PhD u doontay Jaamacadda al-Ashar University ee magaalada Qaahira ee dalka Masar. Markii laga yaabay aqoonta dheeraadka ah ee uu u leeyahay cilmi-xadiiska waxa loo magacaabay inuu noqdo Hormoodka Kulliyadda Xaddiiska ee Jaamacadda Islamic University of Madinah. Waxa uu qaatay shahaadooyin kale iyo inuu hoggaan u noqdo meelo cilmiga diiniga ah lagu baranayo, sida Ururka Muslim World League ee Makkah ka aasaasay, balse ilaa intuu uu hawlgabka noqonayey kulliyadaas hoggaankeeda wuu hayey.
Waxa arrintaas uu ku kasbaday in la siiyo dhalasho Sucuudi ah, maadaama aan laga maarmi karin aqoontiisa, inkastoo uu buuggaag badan qoray oo ka hadlaya mawduucyo badan oo Islaamka ah, haddana buugga ugu nuqullada badan ee uu Xadiiska kaga hadlo waxa cinwaankiisa la yidhaa “Al-Jami” Al Kamil fi Al Hadith Al-Sahih al Shamil” waxaana dunida islaamka looga yaqaan inuu ka mid yahay buuggaagta ugu muhiimsan. Waxa uu u adkaystay, samirkeedana yeeshay inuu kaligii ururiyo xadiis aad u tiro badan oo buuggaag kala duwan oo qaddiimi ah ku kaydsanaa si uu meel kaliya isugu keenana waxa uu u huray waqti iyo hanti badan. Buuggan waxa laga sameeyey 20 nuqul oo waxa ku kaydsan 16,000 xadiis oo cibaado, xukun iyo taariikh b aka warramaya oo Nebi Muxamed (NNKH) ka soo arooray.
Waxa Asmi lagu xasuusan doonaa inuu ururiyo xadiisyada Iman Bukhari, Imam Muslim, Abu Dawoow, At-Timidi, Iman Nasa’i Ubn Majah iyo Imam Malik.
Shaqooyinka kale ee lagu xasuusan doono wax aka mid ah inuu ururiyo cilmi badan oo Qur’aanka ku kaydsan (Encyclopedia of the Glorious Quran) oo uu luqadda Hindiga u turjumay. Islaamku waxa uu Hindiya maamulayey siddeed qarni (800 sannadood), balse ma ay jirin buuggaag badan oo luqadda Hindiga looga tegay oo Qur’aanka iyo cilmiga diiniga ah ba, tana waxa ay Azmi u noqonaysa guul iyo dedaal uu sameeyey. Buugga uu Hindiga uga dhigay waxa ku jira 600 mawduuc oo Islaamka ka waramaya. Muddo koobana siddeed nuqul oo kala dambeeya ayaa buuggan laga daabacay, kadib markii dalabka luqadda Urdu iyo Ingiriisigu aad u batay.
Qofna ma uu malaynayn ninkan qoyska Hindu ka soo jeeda inuu maalin noqon doono Macallinka Masaajidka Nebiga (NNKHA). Waxa uu leeyahay koox da’yar ah oo dunida uu ku beddeli karo oo aragtidiisa iyo aqoontiisaba ka dhaxashay.