Araweelo News Network

Mid ka mid ah warbixinadii ugu fiicnaa ee aan akhriyey sannadkii 2017 oo u qoray wariye Yuhuudi ah oo u adkaysan waayey falalka dawladiisu kula kacdo dadka Falastiiniyiinta ah
By; Cabdillaahi Beershiya

Nin weriye ah oo u dhashay dalka Israa’iil, laguna magacaabo Gideon Levy oo qoraalo joogto ah ku sameeya mid ka mid ah wargeysyada ugu waawayn dalka Israa’iil oo lagu magacaabo Haaretz ayaa badhtamihii sannadkii 2017 wuxuu qoray warbixin uu ugu magac daray What I’ve Seen in 30 Years of Reporting on the Israeli Occupation ama Waxyaabihii aan Arkay 30 Sanno oo aan Warbixino ka diyaarinayey Haysashada Israa’iil ee Dhulka Falastiin, wuxuu aad ugu qaadaa dhigay dhacdooyinkii bahalnimada ahaa ee dalkiisu kula kacay dadka Falastiiniyiinta ah.
Ka hor inta aanan soo qaadan qaybo ka mid ah qoraaladiisa oo lagu turjumay afaf kala duwan, waxa aan si kooban u dul mari doonaa taariikhda weriye Gideon Levy, waa nin qoraa ah oo si toddobaadle ah wax ugu qora wargeyska Haaretz isaga oo qoraaladiisa la hoos keeno cinwaan wargeysku u yaqaan Twilight Zone oo u diirada ku saaro dhacdooyinka ugu muhiimsan ee dhexmara dadka Falastiiniyiinta ah iyo dawladda Israa’iil sidaa darteed, ayaa u ku guulaystay abaalmarino badan oo laamaha xuquuqal aadamaha iyo xarumaha warbaahinta qaar ka mid ah siiyeen.
Mr. Gideon Levy oo lagu tiriyo inuu fikir ahaan dhinaca bidixda xigo buuggaagta u qorayna uu ka mid yahay Ciqaabtii Qaza (The Punishment of Gaza) ayaa maqaalkiisani wuxuu inoo caddaynayaa inay jiraan dad had iyo jeer ka dhiidhiya inay dalalkoodu sameeyaan dulmiga, sidoo kalena dadka u soo bandhiga waxyaabaha qarsoon ee aan la qaadan karin.
Warbixintiisan iyo wargeyska lagu daabacay oo ka mid ah kuwa ugu tunka roon Israa’iil waxay inoo tilmaamayaan in xoriyadda saxaafaddu tahay mid ka mid waxyaabaha dhisa bulshooyinka ee dadka bara in si saxsan loo sheegi karo qaladaadka ay dawladuhu galaan, sababta oo ah waxa u canaanayaa dalkiisa oo ku doodaya inay iyagu dhulka xaq u leeyihiin waxaannu ku tilmaamayaa inuu yahay qabsasho ee aanu ahayn lahaansho..
Haddaba, haddii aynu bilawo qoraalkiisan wuxuu ku bilaabay gabadh yar oo 15 jir ah oo lagu magacaabo Maariya Aamin oo qoyskeedu ku shuf beelay gantaalo ciidammada cirka Israa’iil ku rideen meelo ka tirsan magaalada Qaza.
Wuxuu sheegay inuu booqday gurigaas isaga oo la kulmay gabadha yar oo keligeed ka hadhay xubnihii qoyskeeda oo weliba dhaawacyada soo gaadhay ka dhigeen mid gebi ahaanba xubnaha jidhkeedu istaagaan marka laga reebo madaxa oo u nin u adeer ah ku hayo dhakhtarka iyada oo koomo ku jirta.
Weriye Gideon Levy wuxuu gabadhan yar oo xiliga dhibaatadani ku dhacday da’deedu ahayd 11 jir. mar kale kula kulmay iyada oo joogta kulan faneed lagu soo bandhigayey waxyaabo kala duwan oo ay ku soo bandhigtay iyada oo curyaan noqotay oo gaadhi gaceed lagu riixayo waxyaabo fankeeda khuseeya, waxa kulankaa goob-joog ka ahaa sida u weriyuhu sheegay dad kooban oo Israa’iiliyiin ah.
Dhaawacyadaasi waa mid ka mid ah waxyaabaha ay geystaan ciidammada Israa’iil ayuu yidhi Gideon Levy, laakiin dadka Yuhuudda ah ma jecla inay si wanaagsan u dhegeystaan waxyaabaha ay ciidammadoodu samaynayaan, waxaannu intaa ku daray; “Gantaalka ku dhacay qoyska inantan yar iyo kuwa la mid ah laguma tiriyo inuu yahay fal argagixiso, ninka soo ridayna laguma tilmaamo inuu yahay argagixiye, laakiin waxa lagu dhaafaa looma jeedin halka uu ku dhacay.. Hadalkaasi wuxuu soo noqnoqayaa in ka badan konton sannadood… sidoo kale waxa la odhanayaa looma jeedin in la waxyeeleeyo dadka shicibka ah ….dagaalkii 2014-kii in ka badan 500 carruur ah ayaa ku dhimatay, sidoo 250 dumar ah ayaa ku naf waayay oo qaar ka mid ah lagu hor dilay carruurtoodii ama qoysaskoodii.”
Waxa u intaa ku daray isaga oo canaananaya dadka Israa’iiliyiinta ah; “Ma jirto habeen iyo maalin aanay ciidammada Israa’iil samayn dambiyo, waxay ku sameeyaan meelo u dhaw halka ay dadkoodu degen yihiin haddii aana iskuma dayaan dadku inay ka fikiraan waxyaabaha ay ciidammadoodu samaynayaan xaataa kama fikiraan haddii ay noqon lahaayeen iyagu inay ku hoos nool yihiin guumaysi.”
Wariyahan oo lagu magacaabo dadka dhiiran “heroic journalist” oo marar badan lagu naqdiyo Israa’iil dhexdeeda ama ay u yaqaanaan inuu borobagaando u sameeyo ururka Xamaas ayaa wuxuu maqaalkiisan ku sheegay in dadka reer Falastiin laga dilay kontonkii sanno ee la soo dhaafay dad gaadhaya 10,000 qof in ka badan 800 kun oo qofna laga xidhxidhay haddana waxaas oo dhami u caadi ka dhex yahay Israa’iil oo aan loo arag wax dhib ah.
Ugu dambeyn, waxa aan ku magacaabay qoraalkan inuu yahay kii iigu xiisaha badnaa ee aan akhriyo markii aan arkay nin aqoonyahan ah oo ku dhex nool waddan haysta waddan kale, haddana ku dooda inuu saxsan yahay oo wax kasta o ay samaynayaan ay ku tilmaamaan inay nafahooda difaacayaan inuu naqdi ku sameeyo siyaasadda waddankiisa oo aanu ku taageeersanayn waxa ay samaynayaan, halka wadamo badan oo muslimiin ah aanay dadka wax qoraa ku dhiiran karin inay wax sax ah qoraan ama sheegaan xaataa inay wax ka sheegaan wadammada ka baxsan meesha ay ku nool yihiin sida Israa’iil oo kale.
Diyaarintii Cabdillaahi Beershiya