wiilka maayarka noqdayWashington(ANN)Wiil yar oo 3 jir ah, ayaa walaalkii oo saddex sanno ka weyn kaga guulaystay inuu noqdo maayirka tuulo ku taal koonfurta Minnesota ee dalka Maraykanka, kaasoo taariikhda ku galay maayirkii ugu da’da yaraa ee loo dhiibo xukunka degaan lagu nool yahay.
“Waxaan u sheegay inuu noqdo mid wanaagsan marka uu la hadlayo dadka, isla markaana aanu hadalka carruurta ku hadlo,” ayuu yidhi Robert Tufts oo talo siinayey walaalkiisa ka yar ee kaga guulaystay jagada oo la yidhaa James Tufts, kadib markii uu noqday maayirka tuulada Dorset oo ku taal Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Wiilkan yar waxa maayirka tuulada Robert loo magacaabay taariikhdu markay ahayd 2 August 2015, iyadoo degaankaas yar ay ku nool yihiin dad tiradoodu dhan tahay 22 qof oo qudha, gaar ahaan waxa uu jagadan helay waqti ay ku jireen ciid dhaqameed magaaladaas laga xuso oo la yidhaa Ciidda Dhadhamada Cuntada ee Dorset (Annual Taste of Dorset food Festival).
Sida lagu baahiyey qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka oo Jamhuuriya soo xigtay, wiilkan 3 jirka ah, ayaa maayirnimada kala wareegay walaalkii oo muddo laba sanno ah hayey, isagoo warbaahinta u sheegay inuu wax badan qaban doono muddada uu xilka hayo, waxaannu yidhi; “Wax fiican baan qaban doanaa.”
Hooyada dhashay wiilkan oo la yidhaa Emma Tufts, ayaa sheegtay in ay wiilkeeda u han weyn tahay, kaasoo ay sheegtay in jagadan uu ku guulaystay si uu uga qaybgalo sadaqo lagu ururiyio Ronald McDonald House Charities, waxaanay tidhi; “Waa arrin aad u qiimo badan, sababtoo ah waxay samaynayaan hawlo aad u fiican.”
Sharciga u yaal tuulada aadka u yar, waxa uu qeexayaa in qof kasta oo nool xaq u leeyahay inuu noqdo maayir, iyadoo wiilka yar ee xilka loo dhiibay ka guulaystay wiil 4 jir ah oo ka soo jeeda degaanka Chicago oo hal marna maayir noqday iyo murrashaxiin badan.