lamaanaha jacaylkaWashington(ANN)Haweenay u dhalatay dalka Maraykanka, ayaa nin aanay aqoon u lahayn ugu deeqday mid ka mid ah kelyaheeda, balse aakhirkii jacayl u qaaday, kadibna guursatay.
Ashley McIntyre oo 25 jir ah, ayaa waqti ay raadyo ka maqashay nin da’deeda ah oo la yidhaa Danny Robinson oo lagu u baahan kali, isla markaana naftiisu ku xidhan tahay kelidaas, iyadoo barta facebook farriin kas oo dirtay ay ku dalbanayso in kelideeda lagu tijaabiyo oo loogu deeqo..
“Waligay maan malaysan xataa in malayiin sanno ay tan oo kale dhici karto, waa arrin cajib ah, waana mid aan macquul ahayn siday u shaqaysay, waana qorshe Ilaahay ugu talagalay. Waa ogahay in aanay macquul ahayn in keli laguu geliyey aanad noolaan karin, balse waa shay caadi ah, waana wax ka mid ah bina’aadaminimada, waana wax qof kale loo qabto waxa ugu wanaagsan,” ayey tidhi hawenaydan oo hadda ninkay ay kelida ugu deeqday is qabaan oo la hadlaysay wargeyska USA Today.
Hooyada dhashay ninkan oo la yidhaa Denise Stutzernberger, ayaa sheegtay in markii ay la kulantay Ashley ay ku qancisay in wiilkeedu aanu keli la’aan noolaan karin, waxaanay tidhi; “Waxaan u sheegay in ay noqon karto gabadh aan sodoh u noqdo oo wiilkaygu guursan karo, waxaanay igu tidh; ma garanaayo si aan wax kuugu sheego, dareenkaas aad I gelisayna wax baa ii sheegaya.”
Dhacdadan waxa cajiib ka dhigay in ay aad u adag tahay in qof kelyuhu dhinteen oo keli loo geliyey, waliba qof ajenebi ka ah oo aanay qaraabo ahayn ugu deeqay inuu noolaado.
Lammaanahan ayaa aakhirkii isu qaaday jacayl xad-dhaaf ah, iyadoo markii uu bogsaday ee muddo ay is jeclaayeena is guursadan, guurkoodana ay sabab u ahayd kelidaas ay isugu deeqeen.
Sidoo kale sannadkii hore dalka Maraykanka waxa keli loo geliyey 135 qof, waxaana noolaaday 33 qof oo kaliya, waxaanay ka mid noqdeen lammaanahan dadka aan qaraabada ahayn ee xubnaha isugu deeqay ee noolaaday, waxaanay dhakhaatiirtu ku sheegeen arrin cajiib ah.
Xubno ka mid ah qoyska ninkan, ayaa ogolaaday in ay keli ugu deeqaan, balse mid koodna lamuu mid noqon kelid aloo doonaayey oo dhakhaatiirtu waxay u sheegeen in aanay macquul ahayn.
Miss Mclntyre axay facebook farriin ugu soo dirtay raadyaha la yidhaa Terry Meiner & Co’, gaar ahaan xidhiidhiyihii barnaamijka oo ka hadlaayey barnaamij xubnaha deeqaha ah lagu baadi doono, iyadoo dhakhaatiirtu markay baadhitaan ku sameeyeen ogaaday in ay is qaadan karaan kelyahoodu, waxaanay labada qoys ee ay ka soo kala jeedaan aakhirkii ku kulmeen hudheel Ingiriiska ku yaala oo la yidhaa Cheesecake Factory.
Lammaanahan, ayaa aakhirkii telefoonka ku wada xidhiidhay, farriimana is waydaarsaday, markii dhakhtarka la wada dhigay sariiro isu dhawna waxa ka dhex curtay jacayl keenay in ay ku guulaystaan siday u noqon lahaayeen qoys.
Waxaanay aqal galeen bishii June ee sannadkii hore, iyagoo hadda an laba qof oo aad isu jecel oo kelidaas isu soo jiiday.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com