Araweelo News Network
mss-tomisin-ogunnubi
Mss Tomisin Ogunnubi oo ah ardayad ku jirta dugsiga Vivian Fowler Memorial College oo ay dhigtaan habluhu, kuna yaala magaalada Lagos ee dalka Nayjeeriya, ayaa sameeyey barnaamij (app) uu ugu talogalay in qofka isticmaalaya ee moobaylka ku shubta ku ogaan karo goobta uu ku sugan yahay (Geographic Location).
Barnaamijkan oo khariirad ahaan u shaqaynaya waxa uu leeyahay badhan loogu tal0galay in qofka halaaba ku garto (Lagos State Emergency Service number), kaasoo qofka taabta uu gargaar deg deg ah ka heli karo ciidanka gargaarka degdega ah ee magaalada Lagos.
“Xaqiiqo ahaan, hal-abuurayaasha da’da yar waxay soo bandhigaan khibrad ay dalkooda wax ugu kordhinayaan oo waxa ugu badan ee uu ku xidhan yahay tahay saliidda iyo macluumaadka IT-ga sida Hindiya, Shiinaha, Singapore, Malaysiya oo adduunka ku qabsaday cilmiga IT-ga,” ayuu yidhi Maareeyaha Guud ee Adeegga Tacliinta ee New Horizon Mr. Bolaji Olaoye oo la hadlayey wargeyska the Punch oo Jamhuuriya soo xigtay.