dad la oggaaday inay ku noolayeenameerikaKhubaro aqoon dheer u leh cilmiga barashada bani’aadamka, dabeecadahooda hore iyo dhaqanka oo helay dhagax ka mid ah kuwii ay wax ku cuni jireen dad degeena dhulka Oregon ee dalka Maraykanka, ayaa ku dooday in galbeedka Maraykanka ay dad  ku noolaayeen 16,000 sanno ka hor.
Qalabkan ay heeleen, ayaa ay sheegeen inuu yahay dhagax fulkaane buuraha la yidhaa Mount St Helens keenay muddo 15,800 sanno ka hor ah, waxaanay aaminsan yihiin khubaradan in mindi ahaan ay u isticmaali jireen dhagaxan ay ka heleen isagoo dhulka hoos ugu jira 12 fuudh (3.6 mitir ah), markii ay baadhitaan ku sameeyeena ay ogaadeen in lagu qalan jiray xayawaana amma loo isticmaali jiray hub ahaan, iyadoo dadka isticmaali jiray ay ku sheegeen in la odhan jiray Pre-Clovis amma kuwii ka horreeyey Clovis.
Waxa arrintan lagaga dhawaaqay xarunta Rimrock Draw Rockshelter oo ka tirsan waaxda Maamulka Dhulka, taasoo inta badan maamusha goobta laga helay dhulkan dadkaas ku noolaan jireen.
Mr. Scott Thomas oo ah khubarada (Archaeologist), ayaa sheegay in haddii da’da ay baadhitaanka u heleen dhab tahay ay dadkaasi yihiin dadkii ugu horreeyey ee degaanka ku noola amma ay ka horreeyeen dadka lagu tiriyo in ay waqooyiga Maraykanka asal ahaan ku noolaayeen ee la yidhaa Clovis, kuwaasoo taariikhyahannadu aaminsan yihiin in asal ahaan ay ka soo guureen Eeshiya, soona mareen waqooyiga Amerika.
Qoomiyada Clovis dhaqannadooda amma aasaarta ay ka tageen hadday noqoto dhagaxaan farshaxanimo ay u qoreen waxa markii baadhitaan lagu helay da’doodu noqotay qalabadaas 13,000 sanno ka hor in ay galbeedka Amerika ku noolaayeen.
Prof. Patrick O’Grady oo ka tirsan Jaamacadda Oregon University oo khubaradana ka mid ah, ayaa caddeeyey in ay sii wadi doonaan baadhitaanka iyo qoditaanka aasaarta ay heleen ee sheegaysa dadkii ugu horreeyey ee Amerika nolol ahaan u noola amma soo dega.
“Qofna rumaysan maayo ilaa arrintan la tuso, ma jiro wax jabjabnin ah oo ka muuqda lakabka dhulka ee aanu ka helnay aasaartan, ilaa si fiican dadka loogu soo bandhigana ma xaqiiqsanayaan,” ayuu yidhi Donal Grayson oo culimada baadhitaanka wadday ka mid ah.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews