Jabir Ibn HaiyanWaxaynu si taxane mawduucan ugu soo bandhigi doona culimo Muslim ah oo cilmiga aad ugu takhasustay, adduunkana wax badan ku soo kordhisay, balse taariikhdooda aaseen reer galbeedka iyo dadka aan islaamka ahayn, iyadoo aynu doonayno in aynu mawduucan uga faa’iidaysano, kuna oggaano sida dadka muslimiinta ah ugu horrumareen cilmiga.
Buuggan oo ay daabaceen Urura Mihnad Layaasha Caafimaad ee Islamka ee dalka Malaysida (Islamic Medical Association of Malaysia N. Sembilan), isla markaana ay qoreen culimo aad u tiro badan oo isugu tegay ururinta iyo tifaftirka buuggan.
Aabbihii Cilmiga Kimistariga Jabir Ibn Haiyan

Jabir Ibn Haiyan waxa uu ka mid ahaa culimadii ugu aqoonta badnayd cilmiga Kimistariga (Chemistry) qarniyadii dhexe (Middle Ages), waxaana loo yaqaanay aabbaha Kimistariga.
Abu Musa Jabir Ibn Hayyan oo sidoo kale mararka qaar loogu yeedho Al Harrani iyo Al Sufi waxa uu ahaa wiil uu dhalay nin daroogayste ah oo la odhan jiray Attar.
Haddaba, taariikhda dahbta ah ee uu dhashay khabiirkan waxa ka jirta dood oo la iskuma waafaqsana, balse waxa hubaal ah inuu bartay cilmiga caafimaadka iyo Kimistariga waqti uu joogay Kufa taariikhdu markay ahayd ku dhawaad 776 C.E.
Waxa la soo tebiya inuu ninkan wax ku hoos bartay caalim la odhan jiray Imaam Ja’afar Sadiq iyo iyo amiirkii boqortooyadii Ummayed ee la odhan jiray KhalidIbn Yazid.
Horraantii noloshiisa waxa uu bilaabay barashada iyo ka midho dhalinta cilmiga caafimaadka, isagoo ku hoos jira ximaayada amma taageerida nin la odhan boqortooyadii Abbasid Caliphate ee Haroon Al Rashiid talinaysay.
Markii uu ninkan aragtiyada uu Kimistariga ku soo kordhiyey la wadaagay qoyska boqortooyada waxa lagu xidhay xabsi guri ku yaala magalaada Kufa oo ku taala Ciraaq, halkaas oo uu ku dhintay sannadkii 803 C.E.
Waxyaabaha uu cilmiga Kimistariga khabiirka ku soo kordhiyey waxa ka mid ah aragtida Alchemy la yidhaa oo hadda ka mid noqotay waxyaabaha dunida casriga ah Kimistariga ugu fiican. Waxyaabaha sida fiican magaciisa ugu lammaan ee lagu xasuusto ee kale waxa ka mid ahaa…. La soco…