Araweelo News Network

dadkainternetkaDalka Aljeeriya (Algeria) oo ku yaal woqooyiga Afrika, ayaa laga furay cusbitaal lagu daweeyo dadka sida xun u qabatimay isticmaalka internet-ka, kaasoo noqday goobtii caafimaad ee ugu horreysay ee qaaradda laga sameeyo, looguna talogalay in lagu daweeyo dadka aadka u jecel internet-ka.
Sida lagu baahiyey telefishanka Al-jazeera oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay, inta badan dadka bukaanka ah ee internetka la qabatima waxa la kulma xaalado ay a mid yihiin dhabar xannuun, indhaha oo casaada, madax xannuun iyo murugo, mararka qaarna waxa ay noqdaan qaar cadho iyo dagaal badan haddii loo diido in ay internetka galaan.
Cusbitaalka Bachir Mentouri oo ku yaal Konistantiin (Constantine) oo ah caasimadda Gobolka Konistantin ee dhaca woqooyiga bari ee Aljeeriya, ayaa noqon doona goob la-talin, daawayn jimicsi ah, daawo kale loogu fidin doono dadka internetka qabatima, iyadoo sidoo kalena la dhegaysiin doono heeso u gaar ah oo lagu illowsiinayo isticmaalka badan ee internetka.
Waxa cusbitaalkan soo bandhigay barnaamij loogu talogalay in lagu daweeyo dadka tiknoolajiyadad la qabatimay iyo waliba baraha bulshada (Social network) ee aan la’aantood joogi karin amma haddii si kale loo sheego dadka balwadaha ka dhigtay isticmaalka internet-ka, gaar ahaan facebook iyo baraha kale ee xidhiidhka dadweynaha.
Dalka Galbeedka Afrika waxa aad ugu yar dadka internetka aadka u jecel, iyadoo ay marayaan dadka isticmaala 32.8%, waxaanay bulshada dadka Al Jeeriya dhan tahay 40 milyan, waxaana ku nool in ka badan sagaal milyan oo facebook isticmaala, halka ay sii kordhayaan dadka isku illaaba isticmaalka internetka.
Gabadh la yidhaa Sihem Hamadna oo ah khabiir cilmi-nafsiga ah oo cusbitaalka ka tirsan, ayaa sheegtay in bishii May ee sannadkan ay la kulantay tiro ka badan 100 qof oo bukaan ah oo maalinta oo dhan waqtigooda ku qaata internetka laga bilaabo cadceed soo baxa ilaa cadceed dhaca sida ay ugu jiraan muranno iyo madadaalo baraha bulshada ah, mararka qaarna ay illaawaanba cuntada amma inay maydhaanba. Waxa ay xustay in dadkaas da’doodu ka bilaabanto 17 ilaa 41 jir.
Inta badan dadka la qabatimay waxa lagu cabbiraa inay yihiin kuwa aan joojin karin isticmaalka internetka oo haddii ay waayaan dareema cadho iyo diiqad, waana astaamaha lagu garan karo in qofkaasi la qabatimay inuu waqti badan ku qaato internet-ka.
“Sannadkii 2013, ayaa daraasad laga qaaday arday ku jira jaamacadaha Uganda iyo Namibiya in marka ay ardaydu waqti yar isticmaalaan internetka marka loo eego ubadka reer galbeedka in ay ka muuqato caaddifad iyo cadho badan iyo inay raadiyaan internet,” ayaa lagu daabacay wargeyska Quartz oo daraasaddan soo xigtay.