Chines

Nairobi(ANN)Xukuumadda Dalka Kenya, ayaa xabsiga u taxaabtay ku dhowaad Boqol qof oo u dhashay Dalka China, kuwaas oo sifo sharci ah ku joogay dalkeeda.

Hawlagalo Ciidamadda Dalka Kenya maalmihii u danbeeyay ka wadeen guddaha Caasimada Dalkaa ee Nairobi, ayaa lagu qab-qabtay In ka badan 77 qof oo u dhalatay China, waxaana dadkaa sifo sharci ku joogay Kenya intooda baddan laga qabtay Guri kuwa lagu raaxaysto ah oo ku yaal Nairobi.

Xukuumadda Dalka Kenya ma caddayn ujeedada dadka tiradaa lee gee u dhashay China xabsiga loogu taxaabay, balse Warbaahinta Dalka Kenya oo soo xigganaysay Saraakiisha Sirdoonka Kenya iyo Booliska ayaa sheegtay in dadkaa sababta loo xidhay tahay kadib markii looga shakiyay inay waddeen qorshayaal tuugo ah iyo hawlgalo lagu jabsanayo Computarada iyo Internetka, isla markaana khatar ku ah Bangiyada dalkaa.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Sirdoonka Kenya, ayaa laga soo xigtay inay rumaysan yihiin in Dadka China ay haystaan qalab si fudud ay ugu jabsan karaan Bangiyada dalkaa, iyagoo isticmaalaya farsamooyin sare oo adeegsanaya xeeladdaha tuugada ah ee dhinaca Internetka.

Hawlgalka aya bilaabmay Axadii Todobaadkan kadib markii Qof u dhashay Dalka China oo ka mid ah dadka deganaa guriga laga shakiyay  uu kiraystay meel u dhow safaradda Maraykanka iyo Xarunta guud ee xafiisyada  Qaramada Midoobay ku leeyihiin  Nairobi, waxaana isla goobtaa ka dhacay dil, kaas oo loo malaynayo in loo adegsaday waxyaabo sun ah.

Dawlada China, ayaa ka xumaatay tirada muwaadiniinteeda ee lagu xidhay Nairobi, waxayna Safaaradda Dalka China ee Nairobi sheegtay in ay gacan ka geysanay baadhitaanka muwaadiniinteeda ayaa lagu xidhay Kenya, iyada oo looga shakisanyahay in ay magaalada Nairobi ka wadeen howlgalo lagu jabsanayay kumbuyuutarada.

Haweenayda Wasiiradda Arrimaha Dabeda Kanya Amina Mohamed, ayaa sheegtay in ka hor intii aanay hawlgalka qaadin ciiidamadu ay ka wada hadleen tallaabada la qaadayo Xukuumadda China oo ay ka wadda shaqaynayaan sidii laysaga kaashan lahaa denbiyada noocaa ah.

 

Warar kale ayaa sheegaya in xadhiga dadka China ee Kenya xidh-xidhay iyo sababta shakiga Boolisku u xidheen ay lug ku leeyihiin Sirdoonka reer galbeedka ee la shaqeeyay safaaraddaha ay ku leeyihiin Nairobi, kuwaas oo ka shakiyay inay wadeen qorshayaal sirta iyo macluumaadka safaaraddahooda lagu xadayo, balse ma cadda in dadkaa u dhashay China ee la xabsiga ay u taxaabtay Kenya ay Booliska u tilmaameen Sirdoonka reer galbeedka oo loolan weyn iyo dagaal dhinaca Technology iyo gacansiga ah uu ka dhexeeyo.

Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya, wax ka dhaca denbiyo dhinaca denbiyo lagu dhaco dadka lacagta Mobilada lagu shubto iyo Bangiyada, kuwaas oo ay fuliyaan dad sita qalab lagu jabsan karo akoonada xisaabta ee Bangiyada iyo nidaamka lacagta lagu kaydsado ee telefoonada dalka Kenya.

Tallaabadda Dawlada Kenya, ayaa noqonay tii ugu horaysay ee nooceeda ah oo ay dad tiraddaa ah oo u dhashay Dalka China xabsiga ugu taxaabto tuhuno, waxaana suurta gal ah in ay saamayn ku yeelato xidhiidhka ganacsi iyo cilaaqaadka siyaasadeed ee labada Dal oo fiicnaa.

.
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com