DoyaaradsolarAbu Dhabi(ANN)Diyaaraddii ku shaqaysa Ilayska Cadceedda ee Qoraxda, ayaa ka duushay garoon ku yaala magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, taas oo lagu magacaabo Solar Impulse-2.

Diyaaradda oo hal kursi oo keliya leh, ayaa baallasheeda lagu xidhay qalab u soo jiidaya cadceedda qaraxda, qalabka soo jiidaya ilayska cadceedda, ayaa la sheegay qiyaastii inuu dhanyahay baalasha diyaaradda nooca Jymbo Jet.

Waxaana la filayaa sida loo qorsheeyay in Shanta bilood ee soo socda ay isaga gooshto qaaraddaha adduunka, iyadoo dul haadaysa labadda badweyn ee Pacific-ga iyo Atlantic-ga.

Duulimaadkan u horeeya oo ah mid tijaabo ah ayaa waxaa diyaaraddan oo leh hal kursi duulin doona, laba nin oo u dhashay dalka Switzerland, kuwaas oo magacyadoodu yihiin Bertrand Piccard iyo Andre Borschberg.

Muddada ay ku jiraan safarkooda, ayaa la sheegay inay ku degi doonaan dalal kala duwan, iyadoo duulimaadkeedu gudbin doono fariin ku waajahan isticmaalka tiknoolajiyada nadiifta ah ee aan deegaanka waxyeeleyneyn.

Laba sannadood ka hor 2013, waxa Diyaarad noocan oo kale ah oo lagu magcaabo Solar Impulse-1, markii u horaysay si wanaagsan uga duushay dalka Mareykanka, iyadoo ku dul haaday dalka oo dhan. Sidaa awgeed, iyadoo laga duulayo tijaabada diyaaradda hore, ayaa diyaaradda maanta ka duushay garoon ku yaal dalka Imaaraadka Carabta oo la doonayo inay dunida oo dhan isaga gudubto waxa loo sameeyay qaab ka duwan oo ka balaadhan diyaaradda hore ee 2013, waxaana diyaaraddan cusub loo sameeyay baalal balacoodu gaadhayo 72 mitir, halka culeyskeeduna dhanyahay 2.3 tan, kaasoo in badan ka fudud diyaaradaha caadiga ah, taas oo suurta gelisay inay fududaato.

Waxa kale oo baalasha diyaaraddan saaran in ka baddan 17,000, oo ah unugyada kaydiya ileyska qoraxda, sidoo kale waxay leedahay oo lagu xidhay baytari khaas ah oo u suurta gelinaya inay habeenkii duusho.

Duuliyaha, ayaa la sheegay in laga rabo inuu yeesho feejignaan dheeraad ah, isla markaana sameeyo taxadir, waxaana qorshaha lagu daray in haddii ay dhacdo diyaaraddu ay ku dul dhacdo baddaha Pacific-ga ama Atlantic-ga, waxana labada nin ee duuliyayaashu isticmaali karaan qalab diyaaradda saaran, kaasoo u sahlaya inay ku dabbaalan karaan ilaa iyo inta laga badbaadinayo.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews