Araweelo News Network

walalahacarbeedLondon(ANN)Laba gabdhood iyo wiil ay walaalo yihiin oo ka mid ah muslimiinta ku dhaqan dalka Ingiriiska, ayaa diyaarad ay saarnaayeen qasab lagaga dejiyey, kadib markii mid ka mid ah rakaabka diyaaraddu ku eedeeyey in ay ka mid yihiin kooxda ISIS/Daacish.
Gabadh la yidhaah Sakina Dharas oo 24 jir ah, walaasheed Maryan oo 19 jir ah iyo wiil ay walaalo yihiin oo magaciisa lagu soo koobay Cali oo 21 jir ah, ayaa diyaarad rakaab ah oo nooceedu yahay Easyjet Flight Ezy3249 ka raacay madaarka London, iyadoo damacsanaa in ay tagaan magaalada Naples ee dalka Talyaaniga, taariikhdu markay ahayd 17 August 2016, balse dhacdan ay la kulantay.
Mss Sakana ayaa u sheegtay telefishanka Al Jazeera oo Jamhuuriya soo xigtay, Salaasadii toddobaadkan in mid ka mid ah rakaabku ka codsaday in ay diyaaradda ka degaan, kadib markii ay raaceenna loo geeyey saraakiil boolis iyo xubno ka mid ah hay’adda sirdoonka MI5 ee Ingiriiska, kuwaasoo la yeeshay waraysi adag oo qaatay muddo hal saac ah.
Laba ka mid ah rakaabka la socday diyaaradda u kala gooshaysay magaalooyinka Naples iyo London, ayaa ciidammada u sheegay in saddexdan walaalood ay moobilladooda ku mashquulsanaayeen, muraayadoodana ka muuqatay erayo Carabi ah oo macnahoodu yihiin “Allaa Mahad leh.”
“Mid ka mid ah dadkii rakaabka ahaa ayaa ku dooday in saddexdiinnu aad xubno ka tihiin ISIS.” Sarkaalka sirdoonka ka tirsan ayaa sidaa ku yidhi dhallinyarada wallaalaha ah, sida ay caddaysay gabadha saxaafadda la hadashay oo baratay daawooyinka (Clinic Pharmacist), waxaanay tidhi; “Markii aan arkay booliska halkaas taagan, markiiba caadiifad baa igu kacday, waxba moobaylka kuma haysano, xataa luqadda Carabiga kuma hadalno oo waxaannu asal ahaan ka soo jeeda Hindiya.”
Waxa kaloo ay Sakina sheegtay in aan walaalkeed xataa moobilkiisa marna eegin, kelmada carabiga ah ee la arkayna ay tahay barnaamijka Qur’aanka laga dhegaysto oo ugu jiray oo aanay marna furin intii xataa ay madaarka ku sugnayd.
Maaha markii u horraysay ee dhibaatooyinkan oo kale qabsadaan dadka muslimiinta ah ee ku nool dalalka reer galbeedka, iyadoo dad Muslim ah dhawr jeer oo hore sidan oo kale looga reebay diyaaraddo ay ku safrayeen.
Saddexda dhallinyarada wallaalaha ah, ayaa sheegay in si bah-dillaad ah loola dhaqmay iyadoo aanay jirin wax dambi ah oo ay gacanta kula jireen, arrintaasoo ay xuseen in aanay ka bixi doonin maskaxdooda.
Ciidanka ammaanka, ayaa baadhistooda, kadib u sheegay kabtanka diyaaradda in aanay wax dambi lahayn dhalliyarada wallaalaha ah, sidaa darteedna ay safarkooda sii wadan karaan, halka sidoo kale shirkadda falkan ka dhacay ay raaligelin ka bixiyeen sida loola dhaqmay dadka rakaabkooda ah.