Araweelo News Network

Mulkiilaha Facebook Mr. Zukerberg

Mulkiilaha Facebook Mr. Zukerberg


Cillad farsamo oo lama filaan ah ayaa keentay muddo Saacado ah in Dad badan oo isticmaala Bogagga Facebook-ga ay barahooda ku qortay inay dhinteen.

Khaladkan farsamo oo dhacay maalintii Jimcihii shalay, ayaa keenay inay Dad nool oo aan dhiman barahooda lagu arko astaan murugo ah oo baroor diiq ah, taasoo ka dhignayd inuu dhintay.

Dad badan ayay Arrintani ku khasabtay inay fariimo u qoraan ehelladooda iyo asxaabtooda, iyagoo u sheegaya inay nool yihiin oo aanay dhiman, sidaa awgeed qoraallada meesha ku qormayaa ay yihiin kuwo been ah.

Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Shirkadda Facebook-ga ayaa yidhi. “Cilladii Farsamo ee foosha-xumayd haatan waa la xalliyay, aad ayaana uga xunnahay cilladdan dhacday.”

Farriintan oo ahayd mid loogu talo galay in lagu xasuusto Dadka Geeriyooday ee adeegsan jiray Facebook, ayaa si khalad ah u gaadhay bogagga Dad nool oo aan dhiman, kuwaas oo uu ka mid yahay madaxa, ama mulkiilaha shirkadda Mark Zuckerberg.

Farriinta boggiisa kusoo qorantay, ayaa waxay u dhignayd sidan: “Waxaan Rajaynaynaa in Dadkii jeclaa Mr. Mark, ay ku Samri doonaan Waxyaabihii wacnaa ee intii uu Adduunka joogay qaban jiray, isla markaana ay Asxaabta kale Xasuusin Doonaan si ay u Xusaan Noloshiisii.”

XIGASHO: BBC