diyaarada IranTehran(ANN)Dawlada Iran, ayaa sheegtay inay ku guulaysatay tijaabadda Diyaarad aan Duuliye lahayn oo ay markii u horaysay hawada u dirto, taas oo loo adeegsanayo dhinaca Milateriga, isla markaana awood u leh inay xanbaarto Gantaalo iyo Banbooyin loo adeegsanayo duqayn iyo bur-burin.

 
Taliyaha Ciidanka Milateriga Dhulka ee Iran Axmed Rida, ayaa sheegay in dowlada Iran ay tijaabisay Diyaaradaa oo aanu duuliye wadin, taas oo loogu magac daray”Gugac”, wuxuuna xusay in xawaaraheedu gaadhayo 250 KM saacadii, iyadoo awood u leh inay duqeyn karto Bariga iyo Cirka.
Taliyaha ayaa ku tilmaamay diyaaradan “Miinada Socota” iyo inay si fudud u weerari karto saldhigyada cadawga iskuna qarxin karto, Diyaarada aan Duuliyaha lahayn, ayaa lagu soo bandhigay Dhoolatus Militari oo Dowlada iran ay ka wado Biyo mareenka Istiraatiijiga ah ee Hurmuz oo ah marinta inta baddan ay maraan maraan Maraakiibta Saliida kasoo baxda Dalalka Khaliijka.

Wakaaladda Wararka ee Faris ayaa sheegtay in ay tahay markii ugu horeysay ee ay adeegsadaan Diyaarad aan duuliye lahayn, taas oo awoodeeda sareyso, isla markaana xanbaari karta Sawaariiq iyo Miinooyin.
Wakaaladda ayaa sidoo kale sheegtay in maalinta koobaad ee dhuula-tuska oo loogu magac daray “Muxamed Rasuulu-laahi” ay sii daayeen diyaarad aanu duuliye wadin oo lagu magacaabo Shahiin.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com