Thabit Ibn QurraThabit Ibn Qurra (836-901 C.E.)

Thabit waxyaabaha uu ku soo kordhiyey cilmiga waxay u badan yihiin xisaabta iyo xidigiska. Waxa uu ahaa nin lagu ammaano inuu waxyaabo badan ku soo biiriyey xisaab-dhaqameedka loo yaqaan Geometry iyo Algebra, waxaana ka mid ahaa aragtiyaha tirade badan ee uu soo kordhiyey khorumarinta xisaabta Non-euclidean Geometry, Dhululubada cabirkeeda, Integral Calculus iyo nambarada dhabta (Real numbers).
Waxyaabaha uu dhaleeceeyey ee uu aadka uga soo horjeestay waxa ka mid ahaa aragtida Euclid’s elements, isagoo dhaleecayntiisu noqotay mid waxyaabo badan iftiimisay.
Waxa uu soo saaray in la cabiro muga shay obadna oo kala duwan, waxaanay taasi dhaxal u noqotay in xisaabta calculus wax badan laga ogaado oo aakhirkii la sii horumariyey aragtiyahiisii.
Thabir Ibn Qurra waxa uu ahaa nin ka tirsan madhab la odhan jiray Sabian, sidaa darteed maadaama uu ahaa nin xagga diinta u janjeedha waxa qabas ku noqotay sidii waqtigaas la aaminsnaaa inuu wax badan ka yaqaanno cilmiga xidigiska iyo xisaabta.
Mad-habta uu aaminsa oo xidhiidh aad u xoogga la lahayn Greek amma ay ka muuqato in dhaqanka Greek uu ku jiraba, waxaanay ku hadli jireen luuqada, inkastoo aakhirkii Islam qabsatay Sabains dadkii la odhan jiray, waxaanay noqdeen dad luuqada Carabiga ku hadla, waxaana jiray luuqad kal oo lagaga hadli jiray Koonfurta Bari ee Turkey oo dadkan ku noolaayeen, waxaana la odhan jiray luuqadaas Syriac, taasoo asal ahaan ka soo jeeda lah-jada la yidhaa Aramiac ee qoomiyada Edessa.
Haddaba, luuqadan waxay ahayd luuqada asalka ah ee Thabir Ibn Qura uu ku hadli jiray, inkasto uu ahaa nin si fiican u yaqaana luuuqadaha Greek iyo Carabiga… la soco…
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com