Thabit Ibn Qurra
Thabit Ibn Qurra (836-901 C.E.)
Thabit wuxuu ahaa nin aad u da’ yar oo cilmiga jecel, inkastoo uu dhaxal hanti baddan ah ka helay qoyskiisa oo ahaa mid aad u ballaadhan, bulshadana dabaqad sare kaga jira.
Cilmiga Thabit wuxuu soo baxay markii nin la odhan jiray Maxamed Ibn Musa Ibn Shakir uu booqasho ku tegay degaanka Harran, kadibna uu arkay wiilkan yare e luuqadaha badan sida fiican ugu hadlaaya, kadibna wuxuu dareemay in wiilkan yar yahay nin aad u muhiima, waxaannu ka dhaadhiciyey inuu booqasho ku tego magaalada Baqdad oo waqtigaas ahayd hoyga cilmiga Islaamka, waxaannu u sheegay inuu halkaas ka soo qaato cilmiga xisaabta iyo caafimaadka.
Markii Thabit uu tegay magaalada Baqdad wuxuu ka helay tababaro ku saabsan caafimaadka iyo xisaabta oo inta badan caadaba u ahayd khubarada halkaas joogta, waxaannu ku soo noqday Harran, balse aragtiyihii uu aaminsanaa waxay u keeneen in maxkamad islaami ah la taago, kadib markuu cilmigiisa soo bandhigay.
Siuu uga baxsado in xukunno kale oo dil ah lagu fuliyo waxa uu ka tegay Harran, kadibna waxa loo magacaabay xarun xiddigisoo Baqdad ku taallay, dabadeedna waxa uu taageero ballaadhan ka helay Thabib Khalifi Al Mu’tadid oo ka mdi ahaa khaliifadii ugu waaweynaa boqotooyadii Abbasiyiinta.
Marka laga yimaad luqadaha Greek cilmi badan oo ku qorna oo uu Caribi u turjumay wuxuu xisaabta ku soo kordhiyey qaaciidooyin aad u badan oo maanta caan ah sida lambarrada isku xidhma. Tusaale ahaan; S (n)=n oo loo yaqaan (amicable numbers) iyo waliba xisaabo badan oo aan hal qormo lagu soo koobi karin.
Waxyaabaha uu caalamka ku soo kordhiyey waxa ka mid ah makaaniga iyo hagaajinta biraha xumaada amma waxyaabo la mid ah iyo waliba cilmiga xiddigiska oo uu buuggaag badan oo faa’iido u noqday dad badan oo Baqdaad ku noolaa amma maamulladii isaga kala dambeeyey… La soco…
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com