Jabir Ibn HaiyanNinkii Daaha Ka qaaday ee Ogaaday Xisaabta Algebra, Mohammad Bin Musa Al Khawarizmi

Abu Cabdallah Maxamed Ibn Muusa Al Khawarizmi sidoo kale waxyaabaha uu dunidan ku soo kordhiyey waxa ka mid ahaa aragtida sadaalinta meerayaasha qaar (Ptolemy’s view). Waxa kale oo uu soo saaray 830 CE khariiradii ugu horraysay ee adduunka laga sameeyo.
Waxa uu ku guulaystay, kana shaqeeyey inuu cabiro muga iyo dhex-roorka dhulka, kadibna arrintaas waxay saamaxday in saacada hadda aynu waqtiga inoo sheegta amma Goor-sheegta ah la ikhtiraaco.
Aqoonta Noloshiisa ku Duugnayd
Abu Cabddalah Maxamed Ibn Musa Al Khawarizmi sida magaciisa u dambeeya ka muuqata amma magaca awoogii waxay sheegaysaa inuu dhalasho ahaan kas oo jeedo Khwarizm amma waqtigan loo yaqaan Khiva oo inta badan dega Harada Aral Sea ee u dhaxaysa Kazakhstan iyo Uzbekistan.
Waxay taariikhyahannadu sheegaan inuu dhashay 780, kuna dhashay tuulada Kath oo qayb ka ah Khwarism, inkastoo hadda ay ay Kath ciidi aastay. Waxa uu dhintay 850-kii.
Ka hor intii aanu geeriyooday waxa looga yeedhay magaalada Bahgdad oo uu u yeedhay Khaliif Al Mamun, kadibna waxa uu u magacaabay inuu noqdo xidigiye Maxkamadeed sida ku cad buuggu uu qoray oo la yidhaa Xisab Al Jabrawal Mugabalah (Book of Calculation, Restoration and Reduction) amma Al Gebra.
Xisaabta uu ninkan dibada us oo saaray ee Algebra oo iminka reer galbeedku aad u isticmalaan waxay ka mid tahay waxyaabaha asal ahaan ummadda islaamka ah loo celiyo, waqtigii ugu horraysya ee erayga luuqada Ingiriisiga soo galana waxa loo isticmaali jiray lafaha jajaba amma waxyaabaha qurbaabka laga dhigo.
Dhammaan eraygan waxa uu aakhirkii ku fiday waddamada caalamka oo dhan, isagoo ka mid noqday xisaabta loogu jecel yahay, uguna faa’iidada badan.
Haddaba, Al Khawarizmi waxa uu ahaa xisaabyahan, xidigiye iyo nin cilmiga juquraafiga aad ugu xeel-dheer, xaqiiqdiina wuxuu ahaa ninkii ugu aqoonta dheera xisaabta ee koomkan ku nool, waana ninka dibada u soo saaray xisaabo badan oo aasaas u ah xisaabta dunida hadda laga isticmaali.
“Waxa uu ahaa nin xisaabta wax badan ku soo kordhiyey amma seesba u ahaa casrigisiisii,” ayuu yidhi Phillip Hitti oo laf ahaantiisa xisaabta caan ku ahaa… la soco….