Yacquub ibn Isxaaq islaamka iyo sayniska abuAli Ibn Rabban Al-Tabari

Ali Bin Rabban oo caan ku ahaa naanaysta Abu Al Hassan, magaciisa oo dhammaystiran wuxuu ahaa AbuAl Hassan Ali Bin Sahl Rabban Al Tabari, waxaannu dhashay sannadkii 838kii C.E. Aabbihii wuxuu ka soo jeeday qoys Yuhuud ah oo aad loo ixtiraami jiray. Sidaa darteeed, maadama uu ahaa nin aad loo jecel yahay, ixtraamna ku dhex lahaa dalkiisa waxa loo bixiyey magaca Rabban oo macnahiisu yahay Hoggaamiyahaygii.
Waxa uu ahaa Ali Ibn Rabban amma Abu Al Hassan qof aad u yaqaan aqoonta Faysigiska iyo culuunta iyo dhaqannada xiddigiska ee waqtigaas culimada saynisku caan ku ahayd, xisaabta, falsafadda iyo waliba khudabadaha oo uu aad ugu xeel-dheeraa, waxaannu xalliyey aragtiyo iyo qaaciidooyin badan oo cid maaraysa la waayey.
Khabiirkan wuxuu aqoontiisa ku kasbaday in lagu ixtiraamo caafimaadka iyo waliba qoraal qurux badan amma cilmiga far qurxinta, waxa kale oo looga hadhay luqadaha Greek iyo Syriac, waxannu ahaa nin Yuhuud ka soo jeeda, inkastoo aakhirkii uu qaatay diinta Islaamka, haddana wuxuu ka mid ahaa aqoonyahannada Muslimka tirada badan ee caalamka wax badan ka beddelay, qoys ahaanna wuxuu ka soo jeeday magaalada Tabristan.
Waxa uu aakhirkii ka mid noqday dadka aadka loo qadiriyo, gaar ahaan marka ay timaad arrin cilmi waxa uu ahaa dadka wax laga waydiin jiray culuunta kala duwan ee sayniska, haddii loo baahdo in wax lagu kordhiyana wuxuu ahaa dadka soo bandhigi jiray aragtiyo aad loola yaabo… La soco….

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com