X

Islaamka iyo Cilmiga Sayniska. By.Abdullaahi Beershiya Qaybtii 13aad

Cali Ibn Rabban Al-Tabari
Magaca uu helay Cali Bin Rabban kumuu imaan oo kaliya ammaanta uu huwiyey khabiirkii cilmiga Faysigiska ku caanka ahaa ee Zakariya Al Razi, balse xaqiiqadu waxay ahayd inuu ku helay, kadib markii uu soo saaray daawooyin iyo waxyaabo ku cusbnaa cilmiga sayniska.
Wuxuu soo saaray toddoba qaybood oo uu xambaarsana buug la odhan jiray Firdous Al Hikmat, kaasoo ahaa buuggii ugu horreeyey ee koobsada cilmiga caafimaadka, waxaana ku dhammaa dhammaan qaybaha caafimaadka eek ala duwan. Inkastoo waxyabihii uu qoray qaybo yar oo ka mid ah uun dib loo daabacay qarnigii 20aad.
Qoraaladiisan oo aakhirkii loo daabacay Ingiriisi iyo Jarmal waxa ka mid ahaa qqybahaas;
1. Qaybta 1aad waxay ahayd Kulliyat-e-Tibb oo ahayd qayb lagaga hadlaayey aasaaska cilmiga caafimaadka
2. Qaybta 2aad: waxay ka hadlaysay aqoonta xubnaha bani’aadamka, sharciyada caaifmaadooda lagu ilaalinaayo iyo cudurro ku dhaca muruqyada.
3. Qaybta 3aad: Cuntooyinka la qaadanaayo waqtiyada caafimaadka iyo cudurrada qaar dadku hayaan.
4. Qahbta 4aad: waxay ka hadlaysaa dhammaan cudurrada ku dhaca jidhka laga bilaabo madaxa ilaa suulka cagaha.
5. Qaybta 5aad: sharaxaadaha dhadhamada iyo dhadhamada.

 
6. Qaybta 6aad: Daroogooyinka iyo sumaha
7. Qaybta 7aad: waxay la xidhiidha cimilada iyo xidigiska…. La soco….

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post