Yacquub ibn IsxaaqWaxyaabaha uu cilmiga sayniska ku soo kordhiyey Al Kindi
Khabiirkan Al Kindi waxa uu ahaa nin dhigista aqoonta iyo cilmi-baadhisaha ku caan ah, sidaa awgeed waxa uu cilmiga xisaabta ku soo kordhiyey habka loo cabiro amma qaacidada lagu cabbiro waxyaabaha wareegga ah.
Cilmiga Kimistariga waxa fikradihiisa ka mid ahaa inuu ahaa qofkii ka soo horjeestay in biraha asal ahaan loo beddeli karo biro qiimaha leh (Base Metal to Precious metals), waxaannu haystay fikradda ah in falgallada kiimikaad aanay ka soo bixi karin curiyayaal.
Dhinaca cilmiga faysigiska waxa uu waxyaabo aad u muhiima ku darsaday cabbiraadda dhulka, isagoo buuggaagna ka qoray, aakhirkiina waxa buuggiisu muhiim u noqday oo wax badan ka qoray saynisyahan la odhan jiray Roger Bacon.
Cilmiga caafimaadka waxa uu ku soo kordhiyey amma uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee daawo qof u qora, iyadoo lagu muransanaa in qoraal aan lagu samayn karin daawooyinka, taasina meesha ka saartay murankii dhakhaatiirtu ka qabeen in dadka dawo loo qori karo.
Waqtigiisii waxa aad u yaraa dadka yaqaan cilmiga muusikada, balse isaga waxa lagu tilmaamaa inuu qoray muusig aad u badan oo dad badan soo jiitay, gaar ahaan muusig cod dheer iyo mid cod gaaban, waxaannu halkaas ka soo saaray aragti ah haddii cod soo baxo inuu hawada si fiican ugu dhex safro, halkaasna durbaanku ka soo baxay.
Al Kindi wuxuu ahaa qoraa aad u caan ah, waxana lagu qiyaasa buuggaagta uu qoray tiradooda 241 buug oo isugu jira 16 uu ka qoray cilmiga xiddigska, 11 xisaabta la yidhaa Arithmetic, 32 xisaabta Geormety, 22 caafimaadka, 12 Physics, Falsafadda wuxuu ka qoray 22, halka cilmiga qiyaaska (Logic) uu ka qoray 9 iyo 7 cilmi-nafsi ah… La soco…

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com