Abu Hanifa al-Dinawari
Abu Hanifa Al Dinawari oo aan la aqoon waqtiga rasmiga ah ee uu dhashay, balse geeriyooday sannadkii 895kii, waxa uu ku noola dhulka la odhan jiray Andalusia, halka iminka la yidhaa Spain oo waqtigaas islaamku ka talin jiray, waxaanna shaqadiisa uu ku soo kordhiyey cilmiga sayniska aad u xusay nin la yidhaa Silberberg oo ahaa aqoonyahan Jarmal ah oo laf ahaantiisu cilmiga noolaha dhirta wax badan ku soo kordhiyey.
Khabiir Abu Hanifa waxa lagu xusaa inuu iftiimiyey kala duwanaanshaha ciida, gaar ahaan wuxuu sharaxay ciidda u wanaagsan dhirta iyo carrooyinka kale ee tiyada leh.
Sidoo kale wuxuu faahfaahin ka bixiyey qiimaynta dhirta laga soo bilaabo marka geedka la beero ilaa marka uu dhito, kuwaasoo ay ka mid yihiin waxyaabaha uu sida gaarka ah u sharraxay waqtigaas xaalada koriinka geeda iyo soo saarista ubaxa iyo midhaha, kadib waxyaabihii ugu horreeyey uu tijaabiyey bixitaankooda waxa ka mid ah hadhuudhka kala duwan, timirta iyio dhir kale oo cunto ahaan faa’iido leh.
Waxyaabaha kale uu sida gaarka ah dadkii waqtigaas joogay u fahansiiyey waxa ka mid ahaa dabeecadaha dhirta, buuraha, dhulka bagaxa, saxaraha, dhirta looxa laga samayso iyo dhirta midabada laga sameeyo, malabka iyo shinnida.
Al-Dinawari waxa uu soo saaray buug hal jabtar ka koobna uu uu ku kala saaray dhirta noocyadiisa oo la odhan jiray Tajnis Al nabat, kaasoo uu ku sheegay mid ka mid ah nuquladiisa sida dhirtu u kala nooshahay, waxa kale oo buuggan ku jira xidigska iyo saadaalinta hawada amma cilmilada… la soco…

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com